Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa soo saartay qodobo muhiim ah oo la Xidhiidha Arrimaha dhaqaalaha ee Sicirbararka Iyo Siyaasada xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ku waajahan Hawadda Somaliland oo dhowaan ay sheegatay Inay la wareegtay.

sidoo kale, waxay Xukuumadda Somaliland ku xustay qodobadaa ay soo saartay Isticmaalka qabyaalada oo looga digay warbaahinta kala duwan ee geyiga Somaliland ka hawlagsha.

Dhammaan Qodobadaa, waxa laga soo saaray Kal-Fadhigii labaad ee ay yeeshaan golaha wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta Ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxaana si gaar ah qodobadaa loogu xusay Guddi loo saaray xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland oo saamayn xun ku yeeshay Nolosha bulshada.

Qoraal saxaafada loo qaybiyay oo kasoo baxay Madaxtooyadda, ayaa lagu shaaciyay qodobadaa kasoo baxay Kal-fadhigii labaad ee Shirka golaha wasiiradda, kuwaas oo u qornaa sidan:-

“Kal-fadhigii labaad (2aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.

Waxaanay u dhignaayeen Qodobada ka soo baxay shirku:-

1. In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.

2. In la xoojiyo go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.

3. In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.

4. In xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala ah:-

Ø Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,

Ø Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad

Ø Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad

Ø Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi

Ø Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo

Ø Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL.