Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aamo kasoo saartay Shirkii golaha wasiiradda oo lagaga dooday arrimo badan. Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Qasriga madaxtooyadda Somaliland.

Qoraal saxaafadeedkaa ayaa u qornaa sidan:-

 

“Kal-fadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 11.01.2018, hoolka shirarka golaha wasiirada ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa dood-dheer iyo falaqayn ay ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-raq oo Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo isgarabsanayaa ay ku soo gardaroodeen, waxa gebagebadii shirka ka soo baxay go’aamadan:-

In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go’antahay in ay ilaalinayso xuduudaheeda, ogalaan doonnina in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.
2. In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.

3. In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.

4. In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go’aankii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.

5. In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go’aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.

6. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.

a. Guddida Nabadgalyada 5 wasaaradood

b. Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka 9 Wasaaradood

c. Guddida Arrimaha Bulshada 9 Wasaaradood

d. Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta 6 Wasaaradood

e. Guddida Cadaladda iyo Shuruucda dalka 6 Wasaaradood

Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad oo kor ku xusan.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.