khilafkajamacaddahargeysa

Hargeysa(ANN)Gudida Jaamacadda Hargaysa, ayaa go’aamo culus kasoo saartay muran iyo rabshado maalmihii u danbeeyay ka aloosnaa Jaamacadda Hargeysa oo sababay in Albaabada loo xidho Jaamacadda. Kaddib muran iyo khilaaf soo jiitamayay oo u dhexeeyay maamulka, isla markaana sababay rabshado khasaare dhaliyay oo ka dhacay dhismaha Jaamacadda Hargeysa.

Go’aamada gudida Jaamacadda Hargeysa soo saartay maanta, waxaa ku dhawaaqay oo warbaahinta u akhriyay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, waxaana sidoo kale la shaaciyay in Guddoomiye Cusub oo ku meelgaadh ah loogu magcaabay Jaamacadda Hargeysa Mahdi Cismaan Buuri oo ahaa Wasiir ku xigeenkii Caafimaadka ee Xukuumaddii Daahair Rayaale Kaahin.

Qodobada guddidu soo saartay oo ka kooban 6 qodob, ayaa ahaa sidan:-
1- In Jaamacadda Hargeysa Universaty dib loo furo maalinta Sabtida 8 August 2015.

2- In la sugo Nabadgelyada iyo Amaanka jaamacadda.

3- In Wixii Fal-denbiyeed ka galay Jaamacadda la mariyo sharciga.

4- In Guddoomiyihii Jaamacadda iyo Guddoomiye ku xigeenkisii guddida Jaamacaddu ka aqbashay Istiqlaalada ay soo gudbiyeen.

5- In Labadii Macalin ee Jaamacadda laga eryay ay sidii uga maqnaadaan oo aanay Jaamacadda kusoo noqon.

6- In si kumeel gaadh ah Guddoomiyaha Jaamacadda loogu magcaabo Mahdi Cismaan Buuri.

Go’aanada ayaa ka danbeeyay kulamo Boodhka Jaamacaddu xal ugu raadinayeen maalmihii u danbeeyay muranka Albaabada u laabay Jaamacadda hargeysa, kaas oo marar baddan oo hore khilaafyo sidan oo kale ah oo wiiqay tayada waxbarasho ee Jaamacadda iyo sumcadeedaba ku yeeshay tan iyo markii la aasaasay dhawr iyo toban sannadood ka hor, isla markaana ku calaamadiyay Jaamacadda Hargeysa meel hoy u ah muranka iyo qabyaalada oo ka fog astaamaha goobaha waxbarashada aqoonta iyo maamulka.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.