guurtiHargeysa(ANM)Golaha Guurtida Somaliland, ayaa la filaya inuu go’aan la xidhiidha muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Baarlamaanka ku dhawaaqo maalinta beri ee Sabtida ah.
Kadib markii guurtidu guddi kasoo tallo- bixisa u saartay arrintaa oo ka dhalatay dib u dhac ku yimi doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo Komishanka Doorashooyinku dhowaan shaaciyeen in 1 July 2016, ay u qorsheeyeen doorashooyinkii la filayay inay dalka ka qabsoomaan, balse guurtida iyo qaar ka mid ah golaha wakiilada, ayaa ku tilmaamay qorshahaa mid ay ku deg degeen Komishanku oo muujinaya in aanay ahayn kuwo maamuli kara doorashooyinka baaxada leh ee kusoo waajahan Somaliland, waxayna ku doodeen in ka hor inta aanay muddo cayimin ay sugaan mudada laysla meel dhigo marka ay guurti ahaan qiimeeyaan xaalada iyo xiliga kala guurka, markaa ka dibna jadwalka qorshohooda ku saleeyaan.
Doodo dhinaca sharciga ah, ayaa ka dhashay qorshaha Komishanku soo saareen ee la xidhiidha Doorashooyinka ay cayimeen ee ay mudeeyeen xili ka baxsan xiligii xayndaabka sharciyada ee Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada Somaliland.

Hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka iyo saaxiibada beesha caalamka, ayaa ka digay in muddo-kordhin ka baddan sanad loo sameeyo xukuumadda.
Sidoo kale axsaabta mucaaradka, ayaa ka qayliyay in muddo-kordhin ka baddan xiliga ay Komishanku ku sheegeen qorshohooda ee sanadka, waxayna ka digeen in la sameeyo muddo kordhin siyaasadaysan sidii hore looga bartay golaha guurtida ee sita shaanbada muddo kordhinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka.
Guddida golaha guurtidu u saaray arrintaa ayaa kulamo la yeeshay Hoggaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka Somaliland iyo Xisbiga Xukuumadda oo ay maalmihii u danbeeyay isaga dab qaadayeen si ay tallo ugala yeeshaan, sidii ay xal dhinacyadu ku wada qancaan uga soo saari lahaayeen arrinta muranka siyaasadeed ka taagan yahay ee ah in mudada loo kordhinayo xukuumadda iyo golaha wakiilada Somaliland, waxayna kulamadaa kadib hoggaamiyayaasha mucaaradku sheegeen in ay guddida guurtida isla fahmeen wixii laga yeelayo muddo-kordhinta oo ay isla qaateen markii arrintaa iska waraysteen.

Golaha guurtida ayaa la filayaa inuu maalinta beri soo saaro go’aanka muddo-kordhinta, kaas oo aan si dhab ah loo oagayn inta uu noqonayo, balse waxa jira sida ay xoggaha ka ag dhaw sheegayaan in go;aanku yahay mid noqonaya inta u dhaxaysa 18 Bilood iyo 24 bilood oo laba sanadood ah.
Go’aanka mudda kordhinta ee la filayo in ay shaaciyaan maalinta beri guurtidu, ayaa ah mid si weyn loogu dhegtaagayo dhawaaqiisa, isla markaana noqnaya mid xaalada siyaasadeed ee waqtigan iyo jawiga wax kusoo kordhiya oo xaraarada dejiya, ama xumadda siyaasadeed iyo sawaxanka sii xoojiya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.