madaxweyne SilanyoxafiiskaHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mamnuucay isticmaalka gebi ahaanba bacaha kala duwan ee alaabooyinka lagu rito ee dibaddaha laga soo waarido iyo kuwa dalka lagu farsameeyo.
Madaxweyne Siilaanyo oo qiimeeyey dhibaatooyin laxaad leh ee bacdu ku hayso deegaanka, xoolaha, caafimaadka iyo guud ahaan bilicda magaalooyinka dalka Somaliland, isla markaana uu tixgeliyey soo jeedinta Guddiga Heer Qaran ee bilicda, waxa uu ka mamnucay dalka soo dejinta iyo ka ganacsiga bacaha kala gedisan, isagoo ganacsatada ka baayac-mushtarta iyo wershadaha u cayimay muddo afar bilood ah inay ku dhammaystiraan bacaha u yaal.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada xalay oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Naasir Yuusuf Daahir, kaas oo lagu faahfaahiyey digreetada Madaxweynuhu ku joojiyey bacaha, waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo summaddiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 dalka kaga joojiyey isticmaalka bacaha oo khatar ku ah fayo-dhawrka degaanka.

Madaxweynuhu:- Markuu arkay: Qodobbadda 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu arkay: Qodobbadda 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007;

Markuu arkay: Soo-jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka;

Markuu tixgeliyey: Xilka iyo masuuliyadda dawladda ka saaran ilaalinta fayo-dhawrka degaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee magaalooyinka Somaliland;

Markuu garawsaday: In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bullaacadaha, musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda goobaha ganacsiga sida sariibadaha iyo goobaha cuntada ay aasaas u tahay kor-u-qaadidda iyo ilaalinta fayo-dhawrka;

Markuu arkay: Dhibaatada bacdu ku hayso dhirta, xoolaha, caafimaadka guud ee bulshada iyo bilicda magaalooyinka Somaliland;

Wuxuu go’aamiyey: In ay reebban tahay soo dejinta iyo ka-ganacsiga noocyada bacda ee kala duwan sida bac-miikada, bacda ila-qabada, bacaha shirkadaha iyo dukaamada ee xayaysiiska ganacsiga.

In dawladaha hoose iyagoo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan goobaha ganacsiga iyo warshadaha in bacaha u yaal ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood ah, muddadaas wixii ka dambeeyana ku dedaalaan wixii beddeli lahaa bacaha.

In wasaaradaha ku shaqada leh iyaga oo u maraya maamulka gobollada ku kormeeraan dawladaha hoose ilaalinta iyo kor-u-qaadidda heerka fayo-dhawrka degaanka iyo caafimaadka bulshada.

In la joogteeyo wacyigelinta dadweynaha ee faya-dhawrka degaanka,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi digreetada uu ku mamnuucay isticmaalka noocyada kala duwan ee bacaha alaabooyinka lagu qaato,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaa.

Somaliland waxa si weyn looga isticimaalaa Bacaha, kuwaas oo dhinaca kale khatar caafimaad iyo mid deegaan ku haya dalka, mana aha markii u horaysay ee Somaliland mamnuucdo ka ganacsigooda iyo soo dejintooda iyo isticmaalkooda, balse Xukuumaddihii Somaliland ee hore, ayaa dhawr jeer sidan oo kale u mamnuucay isticmaalka iyo soo dejinta Bacaha.

Hase yeeshee waxay dhamaan go’aamada lagu mamnuucay noqdeen kuwo aan dhaqan gelin, waxayna taa bedelkeeda go’aamada lagu mamnuucay sababeen inay sii kordhiyaan oo keliya isticmaalka Bacaha iyo qiimaha oo si weyn u kordha. Sidaa awgeed go’aanka cusub ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku mamnuucay xiligan Bacaha, ayaan la ogayn wuxuu kaga duwanaan doono go’aamada xukuumaddihii hore ee Somaliland ku mamnuuceen, kuwaas oo aan waxba ka beddelin ganacsiga iyo isticmaalka Bacaha oo kusii kordhay dalka. Sidoo kalena ay sii bateen waxyeelada ay ku hayaan deegaanka iyo caafimaadka dadka.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.