sheffield18mayoneSheffield(ANN)Golaha Deegaanka Sheffield, ayaa xaflad u qabtay Munaasibada 24 guuradii kasoo wareegtay markii ay Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii 18 May 1991-kii ee ay ka baxday midnimadii ay la gashay Jamhuuriyadii Somalia 26 Jun 1960.

sheffield18may2
Munaasibadaa oo Xubnaha golaha Deegaanka Sheffield ee cariga Ingiriiska ku qabteen Hoolka shirarka ee Sheffield, waxa kasoo qayb galay xildhibaanadii soo baxay ee reer Sheffield iyo Maayar ku xigeenka xilka la wareegaysa, iyadoo lagu casuumay Hablaha Ururka Haweenka Tusmo Group ee Sheffield iyo qaybo kale oo bulshada Somaliland ee degan halkaa.

sheffield18
Keeg weyn oo lagu xardhay munaasibada 18 May oo lagu maamuusayay qiimaha ay maalinta 18 May u leedahay Qaranimada Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay halkaa, waxaana loogu hanbalyeeyay shacbiga Somaliland meel walba ay oo ay joogaan munaasibada maalintaa oo xubnaha golaha deegaanka Sheffield muujiyeen ahmiyada ay leedahay, waxayna u rajeeyeen shacbiga Somaliland guul iyo inay horumar dhab ah ka gaadhaan hadafka iyo ujeedada qaranimadooda 24 jirsatay.

sheffield18may3

Labada xildhibaan ee Macruuf iyo poal oo ka mid ahaa xubnaha ka qaybgalay xafladaa, ayaa ku caanbaxay u Ololaynta qadiyada Somaliland oo ay wax baddan kasoo qabteen, taas oo ay weli ku jiraan dedaalka loogu jiro in Somaliland aqoonsi caalami ah ka hesho dunida, waxayna labadan xildhibaan hormood u ahaayeen mooshin golaha deegaanka Sheffield kal hore geeyeen golaha Baarlamanka Hoose ee Sheffield, kaas oo cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in Somaliland noqoto qaran Madaxbanaan.

sheffield18may4
Sidoo kale waxa munaasibada ka dhex muuqatay Kaltuun Maxamed Xuseen oo ah xubin aad u firfircoon isla markaana la shaqaysa golaha deegaanka Sheffield ee dalka Britain.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews