Araweelo News Network

 


Hargeysa (ANN)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si xooggan ugu eedeeyey dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa maamul-goboleedkeeda Puntland inay farogelin qaawan iyo dagaal hurin toos ah ku hayaan degaannada gobollada bari ee dalka Somaliland.

Fadhi aan caadi ahayn oo mudanayaasha Golaha Guurtidu ku yeesheen xaruntooda magaalada Hargeysa , waxa ay xildhibaannadu dood iyo falanqayn adag ka yeesheen xiisadaha ka taagan degaannada bariga Gobolka Sool iyo hanjabaadaha colaadeed ee maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhaya maamul-goboleedka Garoowe oo taageero buuxda ka helaya maamulka taagta daran ee dalka Soomaaliya.

Gunaanadkii fadhiga Golaha Guurtida waxa laga soo saaray war-murtiyeed xambaarsan shan qodob oo lagu soo bandhigay farogelinta iyo daandaansiga ee maamullada Muqdisho iyo Garoowe ka wadaan degaannada bariga ee ku dhow xuduudka Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto dalka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen.
War-murtiyeedka Golaha Guurtida ka soo saareen farogelinta iyo xaalad-abuurka dawladda Soomaaliya ku hayso degaannada gudaha Somaliland waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan:
“Mudooyinkan dambe dawladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedkeeda Puntland waxay ku hawlanaayeen farogalin iyo dibindaabyo ay ka dhex wadeen labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ah xaalad inay ku abuurayaan qalalaase iyo nabadgalyo-darro ka dhacda xadka labada dal.

Falalka ay ku kaceen waxa ka mid ah:
1.Dawladda Soomaaliya waxay caadaysatay in aanay ixtiraamin heshiisyadii socday ee labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya wada gaadheen. Waxa kow ka ah heshiiskii hawada ee ay wada saxeexdeen Somaliland, Soomaaliya iyo hay’adda ICAO.
2. Baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland waxay ay qaraar ku ansixiyeen dagaal lagu qaado Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

3.Falal lagu arbushayo, laguna wiiqayo xaaladdii diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo ay ku soo qaadeen goob kala duwan oo ka mid ah gobollada Xaysimo iyo Badhan. Diiwaangelintii iyo kaadhadh-qaadashada oo ay iyana goobo ay ka qateen qalabkii codbixinta, sanaaduuqdii iyo kaadhadhkii.

4.Wasiirka Qorashaynta Soomaaliya, Wasiirka Amniga ee maamul-goboleedka Puntland iyo xubno ka tirsan goleyaasha baarlamaanka fadaraalka ah iyo dawlad-goboleedka Puntland oo wata ciidammo badan waxay xadgudub ku sameeyeen gudaha Somaliland. Meelihii ay tageen waxay ka jeediyaan khudbado iyo hadallo xanaf leh oo nabadgalyo-darro abuuraya, waxayna halkaas ka sameeyeen abaabul ciidan oo ka soo horjeeda Jamhuuriyadda Somaliland.

5.Ciidammada Somaliland marna xadgudub kuma ay samayn xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya. Ciidanka Somaliland waxay ku sugan yihiin xuduudka dalka Jamhuuriyadda Somaliland gudihiisa. Dhacdadii dorraad [Isniintii] dhacday ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhiisimadiisii iyo saldhigyadiisii waxa weerar qaawan ku soo qaaday ciidan ka tirsan Soomaaliya.

Dhammaan tallaabooyinkaasi waxay xaqiijinayaan in dawladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedkeeda Puntland ay siyaasiyan si badheedh ah u abuurayaan xaalad dagaal oo ka dhacda mandaqadda.”