guurti

Photo File Golaha Guurtida Somaliland, By.Araweelo News Netwok

Hargeysa(ANN)Golaha Guurtida Somaliland, ayaa la filaya inuu gudda galo dood la xidhiidha xaalada dalka ee waqtigan iyo dib u dhaca doorashooyinka. Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay shalay qoraal uu ku lifaaqay qorshaha Komishanku dhowaan ku cayimeen doorashooyinka dib u dhacay ee muranka iyo dooduhu ka dhasheen.
Golaha Guurtida, ayaa hore u dhaliilay qorshaha Komishanka Doorashooyinku ku shaaciyeen in 1 July 2016, ay u qorsheeyeen doorashooyinkii la filayay inay dalka ka qabsoomaan ee Madaxtooyadda iyo golaha Wakiilada, balse guurtida iyo qaar ka mid ah golaha wakiilada, ayaa ku tilmaamay qorshahaa mid ay ku deg degeen Komishanku oo muujinaya in aanay ahayn kuwo maamuli kara doorashooyinka baaxada leh ee kusoo waajahan Somaliland, waxayna ku doodeen in ka hor inta aanay muddo cayimin ay sugaan mudada laysla meel dhigo marka ay guurti ahaan qiimeeyaan xaalada iyo xiliga kala guurka, markaa ka dibna jadwalka qorshohooda ku saleeyaan.
Doodo dhinaca sharciga ah, ayaa ka dhashay qorshaha Komishanku soo saareen ee la xidhiidha Doorashooyinka ay cayimeen ee ay mudeeyeen xili ka baxsan xiligii xayndaabka sharciyada ee Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada Somaliland.

Qoraalka Komishanka ee loo gudbiyay Madaxweynaha Somaliland iyo axsaabta qaranka, ayaa sidoo kale loo kala diray nuqulo ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka iyo saaxiibada beesha caalamka, iyadoo axsaabta mucaaradku markiiba qorshaha Komishanka ku lifaaqday dhawaaqyo iyo qoraalo loo kala diray Beesha Caalamka iyo Bulshada Somaliland oo lagaga digayo inay xukuumaddu qorshaha komishanka uga faa’idaysato muddo kordhin ka baxsan xiliga farsamo ahaan ay sheegeen in dib u dhaca doorashooyinka lagaga bixi karo, isla markaana waxay ka digeen in la sameeyo muddo kordhin siyaasadaysan sidii hore looga bartay golaha guurtida ee sita shaanbada muddo kordhinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Dhawaaqyada mucaaradka iyo qorshaha Komishanka, waxa markiiba jawaab kasoo bixiyay daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland iyo saaxiibada beesha caalamka, kuwaas oo qoraal dhawr qodob oo nuxurka uu xanbaarsanaa yahay in mudada dib u dhaca doorashooyinka aan looga faa’idaysan arrimo siyaasadeed iyo muddo kordhin aan loo baahnayn, taas oo ay ka digeen in ay waxyeelo u geysan karto xidhiidhka fiican iyo taageerada ay u hayaan Somaliland.

Dublamaasiyiin ka socday Qoraal qodobbo culus xambaarsan oo safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Nairobi Ambassador Neil Wigan oo wakiil ka ah qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah u kala diray xukuumadda Madaxweyne Siilanyo, saddexda xisbi qaran, Golaha Guurtida iyo Guddida Doorashooyinka 24 April 2015 (Jimcihii), waxa uu ku sheegay in beesha caalamku niyad-jab ka qaadday in doorashooyinka Somaliland dib uga dhacan ku yimi qabsoomidooda sannadkan gudihiisa.

“Warqadan waxa aannu kaga codsanayna Madaxtooyada. Guddoomiyayaasha Axsaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Guurtida oo Sabtida aan la kulmi doono. Hawlgalkaas oo ay hoggaamin doonaan wefti Ingiriis ah oo hadda hoggaamiya Guddi hawldeedka dimuqraadiyadaynta ee DSC (Democratisation Steerin Committee), taas oo aannu codsigan booqashada ah idinkula wadaagayno aragtida Beesha Caalamku ka qabto muddaynta doorashada ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada si loo ilaaliyo waqtiga loo muddeeyey ee 1 June 2016,” ayuu Ambassador Neil Wigan ku yidhi qoraalkiisa oo saxaafaddu u heshay si hoose oo aan la rabin in warbaahinta loo gudbiyo.

Waxa kaloo uu tilmaamay in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoomi lahaayeen sannadkan 2015 haddii dawladdu si masuuliyad ah dib ugu eegto qoddobo ka mid ah xeerka diwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaannu ka hadlay shan qodob oo u dhignaa sidan;

Madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) waxa aannu ku ammaanaynaa sida ay u ixtiraameen muddada loo go’aamiyay in doorashado qabsoonto ee June 1, 2016 si Guddida Doorashooyinku u guto awoodooda dastuuriga ah ee soo gudbinta waqtiga farsamo ee doorashadu qabsoomayso.

Beesha Caalamku waxay ka niyad-jabtay waqtiga cusub ee la soo jeediyey in doorashado qabsoontu aanu ahayn ka hor inta aan sannadkan 2015 dhammaan, taas oo aannu u arkaynay in ay macquul tahay in doorashadu qabsoonto, haddii dawladdu dib u eegto qodobka 7aad, farqadiisa 2aad amma qodobka 26aad, farqadiisa 2aad ee Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyaha (Xeer lambar 37/2007) iyo soo jeedinta dib-u-dhaca muddada lixda bilood ah ee u dhaxeeya muddaynta waqtiga diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo maalinta doorashada.
Sidaa darteed, Beesha Caalamku waxay Somaliland u soo jeedinaysaa in si hannaankeeda dimoqraadiyadeed qiimo u yeesho raacdo waqtiga ay soo jeediyeen Koomishanka Doorashooyinku in la qabto doorashada.

Beesha Caalamku waxay eegaysaa in la qaado tallaabo siyaasadeed oo lagu dhiirrigelinayo amma macquul tahay in muddo kordhin kale la sameeyo, taas oo aan la aqbali karin, waxaanay saamayn ku yeelan doontaa xidhiidhkayaga xooggan ee aannu Somaliland kala leenahay dhinacyada siyaasadeed iyo horumarinta.

Beesha Caalamku waxay u heellan tahay in ay farsamo ahaan iyo diblomaasi ahaanba teegeerto hannaanka doorasho ee Somaliland.

Waxaannu jecel nahay in aannu sii wadno la-shaqaynta dawladdiinna, Guurtida, axasaabta qaranka iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka si loo hirgeliyo qabsoomidda doorashada taariikhiga ah ee Barlamaanka iyo Madaxtooyada oo aan wax dib-u-dhac ah ku iman,” ayaa lagu yidhi qoraalka qodobadda culus xambaarsan ee Beesha Caalamku hordhigeen dhinacyada Somaliland.

Xubnaha wefdiga oo Somaliland yimi, ayaa kulamo la yeesheen dhinacyada, iyagoo kulanka ay ahmiyada siinayeen dhexmaray xubno shirgudoonka Guurtidu hoggaaminayay , kuwaas oo ku dooday in komishanku ku dhawaaqeen qorshe aan sharci ahayn oo baal marsan qaanuunka iyo shuruucda dalka. Sidaa awgeed, iyagoo soo dhowaynaya gudida beesha caalamka tallooyinkooda, isla markaana qiimaynaya duruufaha iyo xaaladaha dalka oo dhinacyo baddan ay kaga go’aan qaadanayaan muddo kordhinta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa u gudbiyey Golaha Guurtida qorshaha jadwalka Komishanka Doorashooyinku u dejiyeen qabashada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay ugu cayimeen 1-da bisha June ee sannadka 2016.

Madaxweyne Siilaanyo oo qoraal sharciyeynta qorshahaasi ah u gudbiyey Golaha Guurtida, waxa uu ka codsaday inay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan did u dhaca ku yimi doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ee hore ugu muddaysnaa 26-ka June 2015.

Qoraalka Madaxweynuhu u gudbiyey Guurtida ayaa u dhignaa sidan:-

“Ujeeddo: Gudbin soo jeedinta Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada 2015.

Mudanayaal, Waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinaynaa qoraalkan Gudidda Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/406/2015 ee ku taariikhaysan 22/04/2015, ujeeddadiisuna tahay doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay caddeeyeen in aanay ku qaban karin xilligeedii, sidaa daradeedna soo gudbiyeen waqtiga ay ku qabaan karaan doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada JSL.

Haddaba, waxaan mudanayaal idiin soo jeedinayaa in aad ka gudataan waajibaadkiinna Dastuuriga ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraalka loo diray golaha guurtida Somaliland.

Hase yeeshee xoggo la xidhiidha arrimahaa ayaa u sheegay shebekada Araweelo News Network in golaha guurtidu qorshaynayo muddo kordhin 2 sannadood ah oo Madaxtooyada iyo Baaralaanka ah, iyadoo ay soo baxayaan xoggo kale oo sheegaya in mudada ay isku hayaan 2 sannadood iyo sannad iyo Lix Bilood, iyagoo dhawaaqyada beesha Caalamka iyo mucaaradka ka qaylinayay in muddada la siyaasadeeyo dhawaaqyadooda aan u arkin kuwo la dhegeysan karo. Sidaa awgeed qorshaha Komishanka oo ay hore ugu tilmaameen mid sharcidaro ah aanay wax tixgelin ah siinayn.
Si kastaba ha ahaatee golaha guurtida ee ku gaamuray Kuraasta, isla markaana shaanbada u sita cusboonaysiinta Xukuumada iyo Labada Gole Baarlamaan ee ay ka mid yihiin, ayaa la filayaa in muddo kordhin aan ka yarayn inay qalinka ku duugaan saacadaha soo socda, taas oo wax ka bedelay qorshaha iyo jedwalka ay gudida doorashooyinku dhowaan soo saareen ee xiliga la qabanayo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada Somaliland.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.