Hargeysa(ANN)-Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku gacan-saydhay dalab  uu xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka Somaliland usoo gudbiyey guddiga oo lagaga dalbanayo in xasaanadda  xilka laga qaado Xildhibaan Maxamed Axmed ( Dhakool) oo ciidanka Boolisku dhawr habeen ka hor xabsiga u taxaabeen, kadib markii laga qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa.

A-fhayeenka guddiga joogtada ah ee wakiillada Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah mudane ka tirsan golaha wakiillada, isla markaana sharci-yaqaan ah, ayaa warqadda xeer-ilaalintu u soo gudbisay sharci-darro ku tlmaamay, wuxuuna sheegay  in aanay ahayn mid waafaqsan  qodobada Dastuurka ee tilmaamaya sida maamuska loga xayuubin karo xildhibaanka.

 Xildhibaan Maxamed Jaamac, wuxuu sharci-daro ku tilmaamay qaabka loo qabtay Xildhibaan Dhakool iyo qoraalka Xeer Ilaalintu ku doonayso in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo, isagoo si cad u sheegay in aany waafaqsanayn Dastuurka dalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isna arrinta xadhiga Xildhibaan Dhakool ka hadlay, ayaa sheegay in aanu ahayn xadhiga lagula kacay mid sharciga waafaqsan, isagoo xusay in loo diiday in uu la kulmo xildhibaanka la xidhay oo ku jira xarunta baadhista denbiyada ee CID.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa maalintii shalay isagoo labada gacmood ka silsiladaysan la horgeeyey Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkabadda gobolka maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka.

Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Fooxle, oo ka hadlaya sababta loo xidhay xildhibaanka, wuxuu yidhi, “Ciidamadda Booilsku waxay 9 May 2019, caweyskii tobankii habeenimo xidheen Xildhibaan Maxamed Axmed (Dhakool), kaas oo ku kacay falal lid ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, kana hor yimi jiritaanka qaranka, waxaana qabashadiisa loo cuskaday Qodobada Dastuurka ee 49 iyo 79, isagoo ku kacay falal kala qaybin Bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland ah iyo kicin, isagoo ka hor yimi mabaadiida qaran ee Ummada Somaliland iyagoo isku dhan wada jir ku go’aansadeen shirweynihii gooni isu taaga qaranka Somaliland ee magaalada Burco.” Ayuu yidhi, Taliye Fooxle

“wuxuu ku sheegay maalin madaw oo cid gaar ah ay leedahay, taas oo ka hor imanay qodobka koowaad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu hayaa fal denbiyeedka , (Flagrante Delicto)  hadaladiisii oo uu ku faafiyay Baraha Bulshadda iyo dhammaan warbaahinta.” Ayuu yidhi, Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan oo ka hadlayay xadhiga xildhibaankaa.

Labada Qodob ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee loo cuskaday xadhiga Xildhibaan Dhakool halkan ka akhri:-

QODOBKA 49AAD

DHAWRSANAANTA XUBINTA

GOLAHA WAKIILADA

1.            Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.

2.            Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda laad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

3.            Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyadoo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.

4.            Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii Iagu qabto isagoo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo.

5.            Golaha waxa ku waajib ah inuu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

6.            Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.

7.           Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada iyadoo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn.

QODOBKA 79AAD

EEDAYNTA XUBNAHA GOLAYAASHA

  1. Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto xubinta ama xubnaha iyagoo faraha kula jira fal­dembiyeed (Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo xadhig ah.

                Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u hayaan.

2.    Dacwadda dembiga ah ee Iagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya Xeer-ilaaliyaha Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen ay maamuuska kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.

                Waxa dacwaddaas dhegeysigeeda awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda (High Court of Justice)