Share this:

" />
Telesom Dahabshiil

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Mooshin La Doonayay In Lagu Fududeeyo Sidii Xilka Looga Qaadi Lahaa Maayarada Magaalooyinka

golaha codaynayaHargeysa(ANN)Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa gaashaanka ku dhuftay mooshin la doonayay in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka golayaasha deegaanka, kaas oo ujeedadiisu ahayd in la khafiifiyo tirada mudanayaasha golayaasha deegaanka ee doonaya inay Maayar xil ka qaadaan.
Fadhigii golaha wakiiladda ee maanta, ayaa lasoo dhigay mooshinkaa oo hore loogu soo gudbiyay, iyadoo ujeedadu ahayd in cod hal dheeri ah Maayarada Magaalooyinka golayaasha deegaanku xilka kaga xayuubin karaan si loo fududeeyo.
Golaha ayaa cod loo weydiiyay in wax ka bedelka xeerkaa la laalo iyo in la ansixiyo, waxaana gaashaanka ku dhuftay 25 xildhibaan oo diiday, iyadoo 21 u codeeyeen in la ansixiyo, waxaana ka aamusay 7 xildhibaan iyo guddoomiyaha oo aan codayn.
Mooshinka golaha wakiiladu gaashaanka ku dhuftay, ayaa gil-gilay Maayarada magaalooyinka oo ka cabsiqabay in haddii wax ka bedelka xeerkaa golahaa wakiiladu meel mariyo ay waayi doonaan si fududu xilalkooda.
Xeerka, ayaa golaha waliiladu wax ka bedel iyo kaabis ugu sameeyay markii ay golayaashii hore ee deegaanku ku mashquuleen xil ka qaadista Maayarada, taas oo sababtay inay kaga mashquulaan hawlihii ay bulshada u qaban lahaayeen sidii Maayar loo ridi lahaa, iyadoo aanay jirin ujeedo dhab ah oo ka danbaysaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp