golaha codaynaya
Hargeysa (ANN)Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ansixiyey anjandaha uu ku shaqaynayo kalfadhigiisa 28-aad oo ay ku jiraan xeerar kala duwan oo xasaasi ahi.
Fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay oo uu hagayey Guddoomiyaha aqalkaasi Cabdiraxmaan Cirro, ayaa mudanayaashii ka qaybgalay oo tiradoodu dhammayd 47 xubnood cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen ajandaha oo u badan xeerar wax-ka-beddel lagu samaynayo, kuwo cusub iyo qaar muddan badan soo noqnoqonayey.
Xeerarka xasaasiga ah ee ku jira ajandahan waxa ka mid ah; xeerka doorashada Golaha Wakiillada oo wax-ka-beddelka iyo kaabis lagu samaynayo, xeerka saxaafadda oo hore u jiray, xeerka doorashada Golaha Guurtida oo dib uga soo noqday aqalka odayaasha, xeerka caasimadda Hargeysa iyo qaar kale, kuwaas oo si wayn loogu kala aragti duwan yahay golaha dhexdiisa iyo ra’yi caamka bulshadaba, isla markaana meelmarintoodu adkaan karto.
Ansixinta ajandahaasi kadib waxa golaha loo akhriyey laba warbixinood oo kala ahaa; warbixinta shirguddoonka Wakiillada ee kalfadhigii hore iyo waqtigii fasaxa iyo warbixinta Guddiga Joogtada ee shaqooyinkii ay qabteen muddadii labada kalfadhi u dhaxaysay.
Guddoomiyaha Guddiga Joogtada Md. Ibraahim Mahdi Buubaa oo akhriyey warbixintooda, ayaa kaga hadlay xog-ururinno iyo kulamo guddigiisu la yeelatay masuuliyiin ka mid ah hay’adaha dawladda oo ay ka ay ka mid yihiin; Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Taliyaha Laanta Socdaalka, Wasiirka Maaliyadda, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasiirka Madaxtooyada, kuwaas oo uu mid mid u faahfaahiyey natiijada uga soo baxday waraysiyo ay la yeesheen.
Waxa kaloo uu soo bandhigay baadhitaan guddiga joogtadu ku samaysay xildhibaanno dhaawac iyo handidaad loogu gaystay Madaxtooyada oo uu ka mid ahaa Xil. Xasan Cawaale, taas oo ay guddi ahaan ka soo saareen dhawr qodob oo difaac u ah ilaalinta xasaanadda mudanayaasha la soo doorto oo ay golewaynaha u gudbiyeen si ay go’aan uga gaadhaan.
“Qodobada guddigu soo jeedinayso in goluhu go’aan ka qaato waxa ka mid ah; kow, in golewaynuhu go’aamo adag ka qaato sharaf dhaca hab-maamuuska mudanayaasha lagula kaco ee had iyo jeer dhaca. Laba, in go’aan gole loogu gudbiyo xukuumadda in maxkamad ama hay’adaha sharciga la horgeeyo cid kasta oo gacan-qaad ama aflagaado u gaysata amaba shaqadiisa dastuuriga ah ee uu gudanayo iska hortaagta mudanaha. Saddex, in go’aan gole loogu gudbiyo xukuumadda cid kastoo isku dayda inay meel kaga dhacdo sharafta iyo karaamada mudanaha laga qaado tallaabada sharciga ah ee ku habboon oo aan la saamixin, si aynu u ilaalino karaamada iyo maamuuska uu leeyahay mudanuhu,” ayuu yidhi Md. Buubaa.
Geesta kale, fadhiga Golaha Wakiillada waxa qaadacay oo aan ka soo qaybgalin xildhibaannada laga soo doortay gobollada Awdal iyo Gabiley oo hore uga cawday hannaanka lagu doorto xildhibaannada gobolladoodu inuu yahay mid aan caddaalad ku salaysnayn oo loo baahan yahay in wax laga beddelo, iyagoo qaar ka mid ah xildhibaannadaasi iyo xubno kale oo laga doortay Hargeysa hadal ay warbaahinta siiyeen shalay saluug ka muujiyey xeerarka ku jira ajandaha kalfadhigan sida xeerka Caasimadda oo ay sheegeen in aan meelmarintiisa daacad laga ahayn.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.