Araweelo News Network

photo file Araweelo News Network

photo file Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Md. Maxamed Cali Xirsi (Obama), ayaa sheegay in golahoodu ansixin doonaan shan xeer oo faa’iido badan ugu fadhiya qaranka, adduunkuna ku qiimayn doono Jamhuuriyadda Somaliland mustaqbalka.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo hadal ka jeediyey xidhitaanka kulan wada-tashi oo lagaga arrinsanayey qabyo-qoraalka xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo ka socday hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyey, ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu ansixin doonaan shan xeer oo kala ah; xeerka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka (Audit act), xeerka qandaraasyada iyo wax iibsiga dawladda (Procurement act), xeerka kastamda (Customs act), xeerka dakhli-ururinta (Revenue act), xeerka maamulka maaliyadda iyo isla xisaabtanka (PFMAccountabilty act), kuwaasoo uu tilmaamay in caalamku ku qiimayn doono Somaliland marka la dhaqan-geliyo.

“Waxa aannu doonaynaa in aannu ansixinno shan xeer oo adduunyadu ku qiimayn doonto Somaliland haddii llaahay yidhaah, iyadoo xilligan la isku qiimeeyo shuruucda la xidhiidha waadaxnaanta (transparent) iyo isla xisaabtanka, waxana imminka la sheegaa kolba dalka kaalinta ugu saraysa ka gala dhinaca hufnaanta iyo maamul-wanaagga dhinaca maamulka maaliyadda, markaa haddii aynu shantaas xeer ansixino waxaan qabaa in wax badan ugu hirgeli doonaan, laguna qiimayn doono.”

“Waxa aynu ka hadlaynaa Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo ah hay’adda ugu muhiimsan ee door ka qaadata hufnaanta (transparent), iyadoo ay muhiim tahay in la wada ogaado tallaabooyinka ay hay’adaasi ku shaqaynayso ama marayso. Waxa aannu beddelaynaa xeerka hadda Hantidhawrka Guud ku shaqeeyo oo la sameeyey sannadkii 1999-kii, kaasoo ka kooban shan xaashiyood oo qudha.”
Waxa kaloo xildhibaanku sheegay in kulanka lagaga hadlayey xeerka Hanti-dhawrka Guud ku dhammaaday guul, isagoo xusay inay haddana bilaabi doonaan aqoon isweydaarsi lagu fallanqaynayo qabyo-qoraalka qandaraasyada qaranka oo socon doona muddo saddex maalmood ah, kaasoo bilaabi doona Salaasada maanta, halka xeerarka kalena loo qaban doono kulanno lagu falanqeeyo ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wakiillada.

“Waxa laga yaabaa in xeerarkaasi qayb ka qaataan ictiraafka Somaliland oo hadda waxaynnu ku ololaynaa in aqoonsiga lagu raadinayo nabadgelyada iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee ka hirgalay dalka, laakiin waxa aynu hadda kadib ku darsan doonnaa in aynu ku doodno hufnaanta (transparent) iyo shantaas sharci ee adduunka oo dhan ku dhaqmo ayaannu haysanayaa oo samaysanay, kuna shaqaynaynaa, iyadoo sidoo kale aynu ku doodi karno in miisaaniyadda yar ee dalku haysto aynu ku faanno in hooyo ama aabo kasta oo reer Somaliland ogaado halka ay ku baxdo iyo sida loo maamulayo oo aan wax mugdi ah ku jirin,” ayuu yidhi Md. Maxamed Cali Xirsi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380