Araweelo News Nework

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, ayaa maant ais buuxda oo waafi ah uga raalligeliyey shirkadaha Dahabshiil Group deelqaaf ka soo baxay warbixintii uu Golaha ka horjeediyey Guddoomiyaha Guddiga Dabadagalka Hantida Qaranka, Naasir Cali Shire, oo si dadban ula xidhiidhiyey shirkadda meelo uu madmadow ka qoonsaday oo uu carrab-dhebey.

Guddoomiyaha, oo xafiiskiisa kula hadlayey saxaafadda Arbacadii, 15 August 2018, waxa uu sheegay in Shirguddoonka Golaha iyo Guddiga Dabagalka Hantidu si mug leh isula eegeen, una axadheen, cabasho ka soo gaadhey shirkadda Dahabshiil, iyaga oo si qoto dheer u dersey caddaymihii shirkaddu u soo bandhigtay ee qoraalka ahaa.

Waxa uu Guddoomiye Baashe tiraabay in Goluhu raalligelin io sixitaanba ka siinayo shirkadda Dahabshiil qaladaadkii ka soo baxay warbixintii Guddoomiyaha Guddiga Dabagalku ka jeediyey Golaha Hortiisa, oo sheegay in si qaldan loo maamulay lacag ay bixisay shirkadda Dahabshiil, oo Dawladdu sifo sharci ah kaga iibisey qayb yar oo ka mid ahayd liinka bilaysku oo cabbirkeedu dhammaa 103m X 30m.

“Markii cabashada shirkaddu na soo gaadhey, waxa aannu dalbannay wixii dukumenti ah ee caddaymaha ahaa. Annaga iyo Guddigu waannu isla eegnay. Waxa caddaatay in sifo sharci ah looga iibiyey shirkadda Dahabshiil dhul laynka Booliiska ah, lagana siiyey US$927 000,” ayuu yidhi Gudoomiye Baashe.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi Guddoomiyuhu, in dawladdu ku amartay shirkadda in US$577000 lagu wareejiyo shirkadda Al Baraka oo dhiseysey Jeelka Wey nee Burco, US$350000 ee baaqiga ahna dib-u-dejin loogu sameeyo qoysaskii hore u degganaa dhulkaa dawladda.

“Markii aannu eegnay dukumentigii, waxa noo soo baxday in (si sax ah) shirkadda Dahabshiil ugu wareejisey shirkadda Al Baraka US$577000, waraaqihii cadaynayeyna way keeneen. Waxay kaloo keeneen inay $350000 ku bixiyeen dibudejintii qoysaska ayna sheegeen in dheeraad kale oo badaniba ka raacay,” ayuu Guddoomiyuhu yidhi.

Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka Hantida Qaranku waxa uu warbixintii uu ka hor jeediyey Golaha 31 July 2018 si qaldan ugu sheegay in Shirkadda Al Baraka lagu wareejiyey US$540000, boqolkii shan iyo soddonna (35%) , oo lagu sheegay inay u dhiganto US$350000, Wasaaradda Hawlaha Guud Dhiskoon u bixisay, isaga oo aan marnaba caddayn in lacagtaasi tahay tan Dawladdu u calaamadisay raridda qoysaska degganaa Goobta. Labadaa qalad, oo uu Guddoomiyaha Guddigu Dhawr jeer ku celceliyey saxaafadda horteeda, waxa u caddaatay Guddoonka Golaha Wakiillada iyo xubnihii kale ee Guddigiisaba inay yihiin waxba-kama-jiraan.

Waxa kale oo soo baxday in dhab ahaan ay kaga baxday shirkadda Dahabshiil raristii qoysaska lacag dhan US$684000, oo ka badan tii loo qoondeeyey, US$334000 (saddex boqol iyo Soddon iyo Afar Kun oo Dollarka Maraykanka ah).

Waxa xusid mudan, in shirkaddu hor dhigtay Golaha caddaymaha sida qoysasku u kala heleen lacagta dibudejinta oo Nootaayo sharci ah martay, Suul leh, Saxeex leh oo ay marag ka yihiin taliyeyaasha u sarreeya ciidanka booliiska oo hubinayey in lacagahaasi dariiq sax ah maraan.

Waxa kale oo muuqatay inaan warbixintu xusin in amarka lagu kala qaybiyey qoondooyinka Al Baraka iyo midda raristu ku socotey ama lagu ogeysiiyey xafiisya badan oo dawladeed oo xogta si fudud ula wadaagi lahaa, sida Duqa Caasimadda, Taliyaha Ciidanka Bilayska, Hantidhawraha Guud ee Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, iyo Xafiiska Madaxweynaha JSL.

Kulan-saxaafadeedka uu Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ku saxay qaladka ke tegey xubno goolahooda ah, waxa ku wehelinayey oo barbar fadhiyey Guddoomiye-Ku-Xigeenka Kowaad, Axmed Sheikh Yassin Ayaaanle, iyo xubno ka mid ah Guddi-Hoosaadka Golaha Wakiillada ee Dabagalka Hantida Qaranka, Mudane Ibrahim Mahdi Buubaa iyo Cabdulqaadir Jaamac Xaamud.