Araweelo News Network

 

Shir gudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa caddeeyey in golahoodu cod aqlabiyad ah oo aan dib loogu soo celin karin ku ansixiyey saddex xeer oo muhiim u ah qaranka Somaliland.

Md. Baashe Maxamed Faarax oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa , waxa uu sheegay in saddexda xeer ee ay ansixiyeen kala yihiin;
1. Xeerka Booliska
2. Xeerka Xabsiyada
3. Iyo Xeerka Maamulka Hawada.

Waxaannu tilmaamay in saddexdaas xeer oo ay hore u ansixiyeen labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida uu Madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyey kadib markii uu soo raaciyey soojeedin xambaarsan qodobo uu doonayey in wax-ka-beddel lagu sameeyo oo ku jiray saddexdaas xeer.

“Madaxweynuhu saddexda xeerba waxa uu ku soo sameeyey wax-ka-beddel, sida sharcigu qorayana waxa weeye marka golayaashu xeerka u gudbiyaan Madaxweynaha, waxa uu xaq u leeyahay inuu 21 maalmood ku saxeexo amma wax-ka-beddel ku soo sameeyo.
Madaxweynuhu waxa uu maray tii caadiga ahayd, saddexda xeerba wax-ka-beddel ayuu ku soo sameeyey. Xeerarkaas muddo badan ayey Golaha dhexyaalleen oo marka uu Madaxweynuhu nagu soo celiyo, soo-jeedinta Madaxweynuhu waa inuu Goluhu raaco, haddii uu Goluhu ku qanci waayo soo-jeedinta Madaxweynaha waa inay xeerka ku ansixiyaan 55 oo cod.

Markaa haddii 55 Xildhibaan u codeeyaan, xeerku sidii uu labada Gole [Wakiillada iyo Guurtida] kaga baxay waa in Madaxweynuhu saxeexaa. Haddii la waayo Goluhu aqballiyad intaa le’eg oo uu ku ansixiyo oo 55-ka Xildhibaan gaadhi waayaa, xeerkaasi waa dhimanayaa, oo markaa waa in xeer cusub la soo sameeyaa,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Waxa kaloo uu ka hadlay qaabkii ay mudanayaasha Golaha Wakiilladu ugu coddeeyeen saddexda xeer ee laga sugayo in Madaxweynuhu dhaqangeliyo, waxaannu yidhi; “Markaa, laba su’aalood ayaa la weydiiyey (mudanayaasha), codeyntii hore waxay ahayd; ‘Ma ku qanacsan tihiin talo-soo-jeedintii Madaxweynuhu soo celiyey, waa diideen. Markaa waxa loo codeeyey tii caadiga ahayd, in xeerkii labada Gole gudbiyeen ay raacsan yihiin, waxay saddexda xeerba ku ansixiyeen aqlbaiyad ah 55 oo cod. Markaa talo-soo-jeedinta Madaxweynaha waxa aannu ku celinaynaa Madaxtooyada, kadibna Madaxweynuhu saxeexaa Xeerka Bileyska, Xeerka Xabsiyada iyo Xeerka maamulka Duulista Hawada, waxaannu ku dhaqangeliyaa sidii labada Gole ku ansixiyeen.”