Araweelo News Network

Shir gudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland

Hargeysa (ANN)- Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u ansixiyey miisaaniyad-sannadeedka 2018 ee qaranka Somaliland, taasoo 9% ka badan miisaaniyadda sannadkii hore ee 2017.


Fadhiggii Golaha Wakiillada  oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxa ay mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda sannadkan oo lagu lifaaqay talo-bixin iyo soo jeedimo ka soo baxay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada.

Miisaaniyadda qaranka Somaliland ee sannadkan 2018 iyo qaybaha ay ka kooban tahay oo faahfaahsan waxay kala yihiin;
• Miisaaniyadda dawladda dhexe ee sannadkan waxa ay ka kooban tahay 1,687,000,000,000 SLHS ah (hal tiriliyan, lix boqol, siddeetan iyo toddoba bilyan oo Somaliland shillin ah)

• Miisaaniyadda Hay’adaha Dawladda ee Madaxbannaan oo dhan 115,504,536,652 SLSH ah (boqol, toban iyo shan bilyan, shan boqol iyo afar milyan, shan boqol, soddon iyo lix kun, lix boqol, konton iyo laba shillin)

• Miisaaniyadda Dawladaha Hoose oo ah 284,419,791,039 SLSH ah (laba boqol, siddeetan iyo afar bilyan, afar boqol, toban iyo sagaal milyan, toddoba boqol, sagaashan iyo kow kun, soddon iyo sagaal shillin)

• Miisaaniyadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo ah 709,598,658,078 SLSH ah (toddoba boqol, sagaal bilyan, shan boqol, sagaashan iyo siddeed milyan, lixdan, konton iyo siddeed kun, toddobaatan iyo siddeed shillin)

• Miisaaniyadda mashruuca maamul-daadejinta ee JLGP oo ah 52,260,000,000 SLSH ah. (konton iyo laba bilyan, laba boqol iyo lixdan milyan oo shillin)

Marka la isku daro guud ahaanba Miisaaniyadda qaranka Somaliland ee 2018, waxa ay guud ahaan dhan tahay 2, 218,782,985,769 SLSH AH (laba tiriliyan, laba boqol, siddeed iyo toban bilyan, toddoba boqol, siddeetan iyo laba milyan, sagaal boqol, siddeetan iyo shan kun, toddoba boqol, lixdan iyo sagaal shillin).

Sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Somaliland, waxa miisaaniyadda sannadkan ku jira mushahar kordhin loo sameeyey ciidammada kala duwan ee dalka oo mushaharka loo kordhiyey 29% iyo macallimiinta dugsiyada dawladda oo mushaharka loo kordhiyey 20%, iyadoo sidoo kale ay miisaaniyadda ku jiraan mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, lacag loo qoondeeyey ololaha ictiraaf-raadinta, kharashka doorashooyinka, horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka.