Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta.


waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada.
Kulankaa oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyn-k-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),


Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kulankaa warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada.


Sidoo kale, waxa golaha wasiiraddu warbixin la xidhiidha amniga dalka kaga dhegeysteen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka.


Golaha Wasiiradda, ayaa markaa kadidb dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa.


Kulankaa oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyn-k-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)


sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, waxa kulankaa warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada.


Sidoo kale, waxa golaha wasiiraddu warbixin la xidhiidha amniga dalka kaga dhegeysteen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka.


Golaha Wasiiradda, ayaa markaa kadidb dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa.

Sidoo kale golaha, ayaa ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska. sida lagu sheegay qoraalkaa oo faaf-faahin lagaga bixin arrimahaa.

Geba-gebadii, sida lagu xusay qoraalka Madaxtooyadda, waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa xeerkaa