Hargeysa (ANN)- Fadhigii 55-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagaga hadlay arrimo khuseeya dhaqaalaha amniga, xaaladda Abaarta xoojinta Hay’addaha dawladda iyo xaaladdaha guud ee dalka.
Fadhiga oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland Arbaca 25 February 2026,, waxa Sidoo kale lagu soo qaaday kulan Madaxweynuhu ku wargeliyay xukuumadiisa dhowaan oo uu la yeelanayo Culimada dalka. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kulanka gollaha wasiirrada kasoo baxay oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Deyr) , Fadhiga oo Madaxweynuhu gudoominayay waxa ku weheliyay Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Fadhigii 55-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa:
Qodobadan ayaa ugu muhiimsanaa waxyaabaha lagaga hadlay Fadhiga
𝟏) 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada JSL siiyey warbixin waafi ah oo la xidhiidha Xaaladda adag ee abaaraha ka jira guud ahaanba dalka oo dhan, waxana uu tilmaamay dhibaatada baahsan ee haysata dadka iyo duunyada, gaar ahaan bulshada reer miyiga ee xoolo dhaqatada ah iyo dadka nugul, sida carruurta, haweenka iyo dadka waayeelka ah.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajib Diini iyo mid Qaranba in la isu naxariisto, loo gurmado, lana bedbaadiyo walaalaheenna ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo galo Gurmad Qaran oo midaysan oo xaaladda Abaaraha baahsan wax lagaga qabanayo.
𝟐) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dhammaan Gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin khatar amni oo Qaranka halis ku ah.
𝟑) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan iyo khubaro ka tirsan Wasaaradda.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in sannadkii dhammaaday ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu ay xoojisay doorkeeda kormeer iyo isku-duwidda Mashaariicaha ay maal-geliyaan Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrika, si loo hubiyo in hawl waliba ay waqtigeeda ku dhacdo, kor u qaadista isticmaalka lacagaha miisaaniyadeed ee lagu fulinayo Mashaariicda, adkaynta isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta dhammaan Hay’adaha Wasaaradaha ee fulinaya Mashaariicaha.
Wasiirka iyo khubarada Wasaaradda Maaliyadda waxa ay Golaha u sheegeen in arrimaha muhiimka ah ee ka qayb qaatay horumarkan ka mid yihiin:
1. Hoggaamin Wasaaradeed oo adag iyo oo leh istaraatiijiyad cad.
2. Iskaashi iyo wada-tashi heer sare ah oo lala yeeshay Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.
3. Kobcin awoodeed oo si gaar ah loogu talo galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha ay khusayso.
4. Hirgelinta kormeer joogto ah iyo dib-u-qiimayn la xidhiidha waxqabadka oo saddex-biloodle ah.
5. Samaynta iyo Xoojinta hannaanka isku-duwidda
𝟒) 𝐅𝐚𝐫𝐫𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚:
Gabagabadii Fadhigii 55-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha u sheegay in uu magacaabayo Danjire Buuxa oo Idman Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyi doona Dalka Israa’iil.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in uu Xalay uu kulan muhiim ah oo midho dhal ah la yeeshay Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal, kulankaasi oo si gaar ah loogu lafa-guray muhimadda ay leedahay is-fahamka, wada-shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya laamaha kala duwan ee Xukuumadda JSL iyo Madax-dhaqameedka, si loo sugo amniga guud ee Gobollada Awdal iyo Selel, loogana hortago wax kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu Golaha Wasiirrada la wadaagay in uu dhawaan la kulmi doono Culimada Dalka.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝


