Araweelo News Network.

Gollaha Amaanka Oo Ka Shiraya Xaaladda Fawdada Ee Khilaafka Soomaaliya Kusii Siqayo Iyo Warbinta Wakiilka Khaaska Ah

New York(ANN)-Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kulan ka yeeshay xaaladda kasoo korodhay Soomaaliya ee khilaafka kusii siqaya gacan ka hadalka.

Wakiilka khaaska ah ee xoghayaha qaramada Mdioobay u qaabislan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee ka taagan Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii iyo rajadii dib u dhiska hannaanka dawladdeed iyo amni.

Mr. Swan, wuxuu sidaa ku sheegay warbixin uu kaga qaybgalay shirkaa oo qaab maqal iyo muuqaal oo toos ah ay uga qaybgaleen dalalka xubnaha ka ah gollaha amaanka.

“Xiisaddaha siyaasadeed ee sii kordhayaa waxay khatar ku yihiin horumarka dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xitaa amniga haddii aan lagu xallin wadahadal iyo tanaasul danta dalka ku jirto” ayuu yidhi.

James Swan, wuxuu sheegay in aannay muuqan astaamo wadahadal,isagoo carabka ku adkeeyay in nasiib daro, taas beddelkeeda, wuxuu yidhi, “waxaan aragnaa dabeecad xumo sii kordhaysa, xeelado cadaadis, iyo tijaabooyin xoog ah oo sare u qaadi kara halista oo keliya” .

Wakiilka, ayaa xusay in xiisaddaha siyaasadeed ee ka taagan Somalia ay sabab u tahay dib u dhaca doorashada iyo hanaankii doorasho cusub loo qaban lahaa oo la isku fahmi waayey.

“Is-maandhaafka siyaasadeed ee ka dhex jira hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa horjoogsaday hirgelinta qaab-doorasho oo ay ku heshiiyeen Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyaasha dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka 17-kii Sebtember 2020.

Qaabkaa waxaa si rasmi ah u oggolaaday labada Aqal ee Baarlamanka waxaana taageeray dhammaan siyaasaddaha kale ee waaweyn. laakiin hirgelinta ayaa muran ka taagan yahay” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu xusay in xiisadii ka taagayd qabashada doorashada ay ka daba timi su’aalo ka yimi dhinacyada Siyaasada Soomaalida oo la xidhiidha sharci ahaanshaha madaweynaha oo waqtigii uu ka dhacay 8 February 2021.

Balse sida uu sheegay Xukuumaddu ay soo xigatay qaraarkii baarlamaanka ee bishii October ee u oggolaanayay Madaxweynaha inuu sii joogo inta Madaxweyne kale laga soo dooranayo.

“Subaxnimadii 19-ka February, maalin mudaaharaad ah oo ay ku dhawaaqeen Gollaha mucaaradka ee Murrashaxiinta Madaxweynaha, dhowr dhacdo oo rabshado wata ayaa la soo sheegay. Inkasta oo faahfaahin buuxda aan la xaqiijin,’ ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya mudahaaradka, wuxuu yidhi, “Dhacdooyinkaas waxaa la soo weriyey inay ka mid ahaayeen is-weydaarsi hubaysan oo u dhexeeya ciidamada amniga ee dawladda iyo kooxaha mucaaradka, iyo sidoo kale rasaas ay ridayaan ciidamada dawladda si ay u kala eryaan dibad-baxayaasha, Sidaa awgeed, tani waa xilli kacsan Soomaaliya, maadaama hadallada iyo ficilladuba ay sii kordhayaan, ayuu yidhi, James Swan.

Wuxuu warbixintiisa ku xusay in dowladda Federaalka  ay ku baaqday shir madaxeedka DF iyo DG in lagu qabto magaalada Muqdisho 18-ka ilaa 19-ka Feb. laakiin dhacdooyinkii maalmihii la soo dhaafay ay carqaladeeyeen qorshayaashaa,

Wallaw uu ku sheegay warbixintiisa in hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland illaa iyo hadda ay ka cagajiidayaan innay shirkaas ka qayb galaan.

“Aniga iyo xubnaha kale ee beesha caalamka, waxaan sii wadaynaa dadaalka aan wax uga qabanayno walwalka labadan hoggaamiye si ay ugu soo biiraan geeddi-socodka si loo horumariyo heshiiska 17 September ayuu yidhi. James Swan.