golaha codaynaya
Hargeysa(ANN)Gollaha Wakiiladda ayaa ganafka ku dhiftay qorshe Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dodnaysay in Haammaha Kaydka Shidaalka ee Berbera gacanta loogu geliyo koox ganacsato ah.
Fadhigii gollaha ee maanta ayaa xildhibaanada loo soo bandhigay in golluhu go’aan ka gaadho mooshin la xidhiidha arrintaa oo ay guddida Ilaalinta hantida qaranku shalay usoo gudbiyeen. Kadib warbixin dheer oo la xidhiidhay kulamo ay la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay khuseeyaan arrimahaasi, taas oo sababtay in warbixinta guddida kadib ay gollaha usoo jeediyeen mooshin la xidhiidha qorshaha heshiiskaa lagu wareejinayo Haammaha Kaydka Shidaalka oo ay sheegeen in shirkado yar yar oo aan istaahilin lagu wareejinayo, iyadoo aanay jirin sabab xukuumadda ku ajburay. Sidaa awgeed waxay gollaha usoo jeediyeen mooshin la xidhiidha heshiiskaa.
Guddoomiyaha Gollaha Cabdiramaan Cirro oo fadhiga maanta guddoominayay ayaa usoo jeediyay gollaha in loo codeeyo mooshinkaa oo lagu laalo heshiiskaa iyo in dib loo dhigo, balse waxa arrintaa ka dhashay buuq iyo sawaxan ay xildhibaanada qaarkood ku diidanaayeen in loo codeeyo mooshinka, iyagoo ku doodayay in dib loo dhigo oo aan cod la gelin xilligan mooshinkaa.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa isku deyey in la hakiyo Mooshinkaa, balse markii guddoomiye Cirro ka diiday, isla markaana go’aansaday in golluhu u codaynayo heshiiskaa in la laalo, wuxuu gudoomiye Baashe oo cadhaysan boobay Albaabka.
Guddoomiyaha Gollaha Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dhawaaqay natiijada codka gacan taaga ahaa ee mudanayaasha loo weydiiyay mooshinka la xidhiidha heshiiskaa, wuxuu natiijadii ku dhawaaqay in 40 mudane diideen heshiiskaa, iyadoo 9 mudane u codeeyeen in dib loo dhigo. Sidaana waxay natiijadii ku dhamaatay in golluhu aqlabiyad ku diiday heshiiskaa la doonayay in Haammaha Kaydka Shidaalka Berbera lagu wareejiyo shirkadahaa.
Arrintan ayaa dad baddan xusuusisay xilligii sagaashanaadkii Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal oo heshiis la gashay shirkadii TOTAL oo gacanta loo geliyay Haammaha Kaydka Shidaalka ee Berbera mudanayaashii xilligaa dood dheer kadib mooshin arrintaa la xidhiidhay cod aqlabiyad ah ku diideen, balse Madaxweyne Cigaal ayaa ganafka ku dhiftay arrintaa, waxayna xukuumaddii Cigaal sii wadatay qorshihii ay Haammaha Shidaalka ugu gacan gelisay Shirkadda TOTAL oo gacanta ku haysay ilaa 2010-kii ka hor intii aanay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xukunka la wareegin doorashii 26 Jun 2010.
Sidaa awgeed ma cadda in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kusii soconay qorsheheeda ay ku wareejinay Haammaha Kaydka Shidaalka ganacsatadaa iyo inay ixtiraamay nidaamka Dastuurka dalka iyo go’aanka gollaha Wakiiladda ee laalay heshiiskaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews