Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa kulan loogu balansanaa meel-marinta heshiiska ay dhowaan wadagaadheen Madaxda Saddexda Xisbi ee la doonayay in wax lagaga bedelo xeerka Kommishanka Doorashooyinka ka dareeray.

 Fadhi uu shir-guddoominayey ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Wakiillada Axmed-yaasiin Sheekh  Cali Ayaanle,  oo saaka ka furmay xarunta golahaa, waxa markii uu furmay oo warbixinta nuxurka heshiiska loo jeedinayo mudaneyaasha, ka dareeray inta badan xildhibaanada laga soo doortay Gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag, kuwaasoo sheegay in aanu ahayn heshiiskani mid ka turjumaya dhamaystirka caqabadaha ku gedaaman Doorashada.

Xildhibaanada ayaa ku dhawaaqay mar keliya, weedho ay ka mid ahaayeen, “nama khuseeyo, nama khuseeyo…nama khuseeyo”.

Sidoo kale, waxay ku dooddeen in aanu heshiiska saddexda Xisbi Qaran ahayn mid ka turjumaya masiirka Gobolada darafyada “Xisbiyada waxay ku heshiiyeen nama khuseeyo… kumana jirno xisbiyada”ayuu yidhi Xildhibaan Cali Barre oo ka hadlayay markii ay dibedda usoo baxeen shir-jaraa’id oo ay wadajir u qabteen mudanayaasha laga soo doorto Goboladaasi.

Xildhibaanno kale oo kamida Gollaha ayaa sheegay in mudanayaasha ka darreeray kulanku ay ku socdaan qorshe Xisbiga Kulmiye dabada ka riixayo, waxayna arrintaa dusha u saareen Xukuumadda iyo Xisbigeeda.

“Markii qodobkii heshiiska la soo dhigay waxa la keenay arrin kale oo aan meesha oolin oo ah saami-qaybsi, cida keentay waa Kulmiye, waxaanay noogu muuqataa in Kulmiye uu carqalad kaga dhigay heshiiskii”ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Sidaana wxa ku dhammaaday fadhigii maanta ee la filayay in arrintaa lagag hadlo, isla markaana lagu meelmariyo, waxayna arrintan carqalad horleh ku tahay xiisadaha iyo carqaladaha weli ku xeeran qabsoomida doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo aan weli xal loo hayn qodobka muranka ugu weyni ka taaganyahay ee sida loo qaybinayo kuraasta Wakiillada iyo sidoo kale murankii dhowaan lagu soo afjaray khilaafkii Kommishanka ee ay goob jooga ka haayeen Beesha Caalamku.

Heshiiskaa oo qodobadii laga heshiiyey oo uu ugu muhiimsanaa in laba xubnood lagu kordhiyo Guddida Doorashada. Kadib markii Beesha Caalamku ku dhexdhexaadisay saddexda Xisbi siddeed qodob oo qodobkaasi ugu miisaan weynaa.