Araweelo News Network

“Dadweynaha reer Somaliland waxa ay soo bandhigeen sida adag ee ay uga go’an tahay doorasho ku dhacda si nabadgelyo iyo dimoqraaddi ah, waxana aannu…”Dr. Michael Walls oo ah Madaxa Goob-joogayaasha Caalamiga ah

Hargeysa (ANN)- Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee ka qaybgalay doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markale si weyn u ammaanay hannaankii codbixintu u dhacday, tirintii codadka iyo natiijada kama dambaysta ah ee Maxkamadda Sare ku dhawaaqday maalintii Salaasada.

Warsaxaafadeed Goob-joogayaasha Caalamiga ah soo saareen , waxay ku caddeeyeen inay si buuxda ula dhacsan yihiin qaabkii ay u qabsoontay doorashadu, waxaanay dadweynaha reer Somaliland ku ammaaneen sida dimoqraadiga ah ee ay xilka hoggaaminta qarankooda ugu doorteen Muuse Biixi Cabdi.

Warsaxaafadeedka Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan: “Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 13-kii November 2017, waxa ay ugu hambalyaynayaan reer Somaliland ku dhawaaqistii natiijada ee Maxkamadda Sare.

29 November 2017, Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa ay shalay (maalintii Salaasada) ku dhawaaqday in natiijadii doorashada madaxtooyada ee ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashooyinka Qaranku 21-kii November ay sidaa ku ansaxday. Go’aankaasi waxa uu caddaynayaa in Mr. Muuse Biixi Cabdi, hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE uu yahay Madaxweynaha la doortay. Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee doorashooyinku waxa ay hambalyo u dirayaan dhammaan reer Somaliland, marka lagu daro Mr. Muuse Biixi Cabdi iyo murrashaxiinta kaleba, iyaga oo ku bogaadinaya soo af-jaridda hannaankii doorashada.
Dr. Michael Walls oo ah Madaxa Goob-joogayaasha Caalamiga ah waxa uu yidhi; “Waxa aannu u hambalyaynaynaa Madaxweynaha cusub, waxaanuna ku faraxsannahay dareenkii jiray doorashada kadib in xisbiyada siyaasaddu raaceen dariiqyadii sharciga ahaa, si ay u hubiyaan natiijada doorashada, taas oo imminka ay aqbaleen dhammaan murrashaxiintii. Waxa aannu ugu riyaaqsannahay hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dhinacyada oo dhan oo aannu ugu hambalyaynayno bayaannadoodii dadweynaha ee ay ku caddaynayeen muhiimadda horumarka ay samaysay Somaliland ilaa hadda. Dadweynaha reer Somaliland waxa ay markale soo bandhigeen sida adag ee ay uga go’an tahay doorasho ku dhacda si nabadgelyo iyo dimoqraaddi ah, waxana aannu rajaynaynaa in hannaankaasi sii socdo, innaga oo rajaynayna doorashooyinkii muddo-dhaafay ee Baarlamaanka, kuwaas oo loo qorsheeyey in ay mar la qabsoomaan doorashada dawladaha hoose sannadka 2019-ka.”
Goob-joogayaasha Caalamiga ah oo ay maaligelisay dawladda Ingiriisku oo ka koobnaa 60 goob-jooge oo ka kala socda 27 dal, waxa ay dalka ku yimaaddeen martiqaad ay ka heleen Guddida Doorashooyinka Qaranka. Goob-joogayaasha oo uu hoggaaminayo qaybta Qorshaynta Horumarka ee Jaamacadda UCL ee London iyo ururka Somaliland Focus UK, waxa ay goob-joogayaal ka noqdeen 350 goobood oo codayn ah iyo xarumaha tirinta codadka dhammaan lixda gobol ee Somaliland maalintii doorashada.
“Goob-joogayaasha Caalamiga ah wax ay ka warbixiyeen maalintii codaynta oo guud ahaan ku dhacday si nabadgelyo ah oo agaasin wanaagsan goobihii la soo maray, marka laga tago cabashooyin kooban oo jiray. Waxa aannu hoosta ka xarriiqnay xilligaas in waxyaabo aan habboonayn ay ka jireen meelaha qaar, laakiin aanay ahayn qaar wax u dhimaya guud ahaan natiijada kama dambaysta ah.
Intii lagu jiray muddada doorashada, dadweynaha reer Somaliland waxay muujiyeen taageerada ay u hayaan sharciga iyo hannaanka dastuuriga ah, codayn nabadgelyo ah iyo tiro ku filan. Waxa aannu u riyaaqsannahay sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay ka qaybgalka nidaam doorasho oo cajiib ah oo furan, isla markaana nabadgelyo ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Goob-joogeyaasha Caalamiga ah.