xasuuqii Somaliland
Hargeysa(ANN)Guddida heer qaran ee baadhista xasuuqa taliskii Siyaad Barre u gaystay dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in aanay wax wada shaqayn ah ka helin Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dawladaha hoose si wax looga qabto dhibaatooyin ay xuseen in lagu hayo goobaha xabbaalo-wadareedyada ah ee ay ku aasan yihiin dadkii xasuuqa loo gaystay sannadkii 1988-kii.
Guddoomiyaha Guddida Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Mr. Khadar Axmed Like oo waraysi siiyey wargeyska Jamhuuriya shalay, ayaa tilmaamay in la degaamaynayo goobo xabbaalo-wadareedyo ah oo uu ku sifeeyey inay yihiin waxyaabaha markhaatiga u ah gooni-isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ku eedeeyey in aanay waxba ka qaban codsiyo iyo qoraalo ay dhawr jeer u gudbiyeen si looga hortago dhibaatooyin uu sheegay in lagu hayo goobaha ay ku aasan yihiin dadkii reer Somaliland ee xasuuqa loo gaystay.
“Dadweynaha waxa aannu ka codsan lahayn inay nala caawiyaan hawshaan aannu hayno, isla markaana ogaadaan oo ay gartaan inay tahay garnaqa dhibaatooyinkii loo gaystay dalka Somaliland ta ugu horaysa ee kow (1) ka ah. Ummaddii la soo ururiyey ee reer Somaliland ee inta rasaas la mariyey lagu wada riday xabaal keliya, taas weeyaan hawsha annaga noo taal, intii itaalkayagu yahayna waannu dedaalnaa oo calaamadinaa xabaalo-wadareedyada waaweyn ee lagu aasay dadkii la xasuuqay.
Hasayeeshee, dadkeenna iyo degaankiisii ayey dhibaato ka taagan tahay, waxaanan ka codsanaynaa dadweynaha in cidda degan goobo xabaalo ah ay ka dul kacdo, ciddii kalena ay nala ilaaliso hawshaas oo ah garta ugu weyn ee Somaliland haysato.
“Waxa noogu daran meesha la yidhaah Badhka oo ay hadda degan yihiin saddex qoys oo ka dhistay aqalo sandaqado ah, annaguna ma nihin askar ee hawshaas oo kale si wax looga qabto waxa aannu ula tagnaa sidii ay wax noogala qaban lahaayeen dawladaha hoose oo arrimaha dhulka ku shaqo leh. Dawladda Hoose ee Hargeysa in badan ayaannu ka dalbanay oo barinay inay wax nagala qabtaan dad badan oo degen xabaalo dushood, balse wax war ah oo ay nagu soo celiyeen ma jirto, gaar ahaan xaafadaha Badhka iyo Siinay ee Koonfurta Hargeysa oo ay weliba ku jiraan ilaa Warshadda Caanaha, goobahaas oo dhan, waxa dadku dul degan yihiin xabaalaha calaamadsan ee qaarkood ay baadheen dhakhaatiirta hawlhaas ka shaqeeya ee Qarammada Midoobay. Markaa haddii ay dawladda Hoose waxba ka qaban weyday, waxa aannu dadka ka codsan lahayn in iyagu caqligooda kaga guuraan, kuna banneeyaan goobaha xabaalaha ee astaanta u ah xasuuqii Somaliland, sababtoo ah cida goobaha xabaalaha ah degtaa waa cid dhuxul naar ah ku taagan ama ku fadhida.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyey faa’iidooyinka ugu jira Somaliland baadhitaannada caalamiga ah ee lagu sameeyey xabaalo-wadareedyada, waxa uu ku jawaabay; “Horta waxa jira adduunka ilaa shan dhakhtar oo aad aqoon buuxa ugu leh xabbaalo-wadareedyada lagu aaso xasuuqyada adduunka ka dhaca, shantaas dhakhtarna mid ka mid ah ayaa hoggaaminaya kooxaha caalamiga ah ee baadhitaanka ku wada Somaliland, warbixintoodana mar qudha ayey soo saarayaan, marka ay xabaasha qodaan, lafahana isku hagaajiyaan oo ay geeyaan goobaha shaybaadhkooda, waxna ka qortaan oo ay helaan tafaasiishii caddayn lahayn in dadkan ku dhinteen xasuuq loo gaystay, kadibna annaga ayaa dadka qalfoofkooda la soo saaray dib u asana oo waafajina dariiqada shareecada islaamka.
Warbixinta ay soo saaraana waa ka qudha ee la horgeyn karo maxkamad caalami ah oo caddaymana u noqon kara in dacwad caalami ah oo maxkamadeed loo gudbiyo xasuqaas, taas ayeyna soo saarayaan, waxaanan ka rajaynaynaa inay hawshaas dhammaystiraan haddii Ilaahay yidhaah, waxaanan filaynaa in si degdeg ah maxkamad loo furi doono, waxna ama cidna loo qaban doono xasuuqii ka dhacay Somaliland.”
Waxa kaloo uu ka codsaday dawladaha hoose ee magaalooyinka gobolada Somaliland oo dhan inay il-gooni ah ku eegaan, dhaqaale gaar ahna u sameeyaan meelaha calaamadsan ee loo aqoonsaday inay yihiin xabaalo-wadareedyo lagu aasay dad la xasuuqay, kuwaasoo uu xusay inay ku yaalaan magaalooyinka Berbera, Burco, Gabilay iyo Arabsiyo, isagoo tilmaamay in magaalada Ceerigaabo oo aanay ilaa hadda gaadhin ay ku yaalaan ilaa saddex meelood lagu xasuuqay dad badan, isla markaana ay sannadkan 2015 tegi doonaan goobaha xasuuqu ka dhacay ee xarunta Gobolka Sanaag.
“Horta waa arrin qaran in wax laga qabto, lana daryeelo xabbaalo-wadareedyada xasuuqii ka dhacay Somaliland, dawladda dhexena waxay u samaysan tahay hawlaha qaranka, annaga ayaana u xilsaaran arrintaas oo wixii iyaga aannu ka codsano ayey qabtaan, gaar ahaan madaxtooyada iyo Wasaaradda Caddaallada oo aanu hoostagno, balse, halka wax ka dhaqaaqi la’yihiin ee aannu aad uga cabanaynaa waa Wasaaradda Daakhiliga iyo dawladaha hoose. Waxa aannu u baahanahay inay nala ogaadaan in hawshan aanu hayno tahay mid qaran oo ay tahay dacwadii kow ka ahayn gooni-isu-taaga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sababta ugu weyn gooni-isu-taagaasina waa dhibaatadii xasuuqa ahayd ee loo gaystay oo ay markhaati u yihiin xabaalo-wadareedyadu.
Markaa waa in dawladaha hoose gacan naga siiyaan, nala ilaaliyaan xabbaalo-wadareedyada, dadkana laga ilaaliyo inay degaameeyaan goobaha lagu aasay dadkii la xasuuqay, gaar ahaan meelaha calaamadaysan ee aannu la sugaynay in dhakhaatiirta caalamiga ah yimaadaan, qoraana caddaymahooda, waxaanna fiican in goobahaas oo dhan la ilaaliyo, loona sameeyo xayndaab oo tusaale ahaan goobihii xabbaalo-wadareeyada ahaa ee degaanka Malko-durduro waxa qaaday biyaha roobka ee dooxa weyn, laakiin dhulka kale wax daad ah oo qaaday ma jiraan, waase la degaamaynayaa oo dad ayaa degaya oo imminka ballaadhintii lagu sameeyey madaarka Burco waxa ay naga lumisay xabaal weyn oo meesha ku taalay,” ayuu yidhi Guddoomiye Khadar Axmed Like.
Waxa kaloo uu tilmaamay in dawladaha hoose leeyihiin masuuliyada degaamaynta dadka magaalooyinka, balse aanay ilaa hadda waxba ka qaban ilaalinta goobaha xabbaalaha ah ee lagu aasay dadkii la xasuuqay sannadihii siddeetannaadkii, isagoo ka codsaday dawladaha hoose, gaar ahaan Hargeysa inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka degaamaynta ah ee lagu hayo xabbaalo-wadareedyada.
“Waxa aannu u samaynay goobaha xabbaalo-wadareedyada ah astaamo u gaar ah oo biro ayaannu ka taagnay, laakiin nasiib-darro birihiina waa la goostay, markaa boodhkii iyo meesii xabbaasha ahayd oo la arko mooyaane kuma samaysna callaamado kale, waxaanan doonaynaa in aannu sannadkan u samayno kaabado yaryar oo sibidh ah oo aan waxba lagu falayn, laakiin callaamadu ka muuqato inay yihiin xabbaalo-wadareed, waxaanan leenahay hawshii aannu uga baahnayn ee daryeelka goobaha xabbaalaha ah kama aannu helin dawladaha hoose, waxaanna ugu sii daran Hargeysa.”
Waxa guddoomiyuhu sheegay in khubaro caalami ah oo ku takhasusay qiimaynta xabbaalo-wadareedyada si loo ogaado in fal xasuuq ah dhacay (Forensic Anthropology), isla markaana uu hoggaaminayey Mr J. P. Baraybar oo ah dhakhtar aqoon dheeraad ah u leh xasuuqyada ay baadhitaan ku hayaan goobaha lagu aasay dadkii lagu xasuuqay Somaliland muddadii u dhexaysay 1984-kii ilaa 1988-kii.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com