Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qarnka Somaliland, ayaa shaaciyay in aanay suurta gal ahayn in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka Baarlamaanka ee Wakiiladda iyo Golayaaasha deeggaanka oo la filayay in ay ka dhacaan Somaliland sannadka 2019.

Guddidu waxay sababeeyeen carqaladaha aan weli xal loo hayn oo hortaagaan in ay qabsoomaan doorashooyinkaa oo si weyn loogu han weynaa. War-saxaafadeed ay Guddida Doorashooyinku ku sharaxeen carqaladaha hor taagan doorashooyinka oo ay soo saareen maanta, isla markaana ku taariikhaysan 27 Nov 2018, ayaa u dhignaa sidan:-

  HORDHAC KOOBAN

Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) waa hay’ad Madaxbanaan, Qarankana ugu xilsaaran qabashada Doorashooyinka, Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Aftida Dastuurka. KDQ Waxa uu ku dhisan yahay Xeer Lr 20/2001 oo si faahfaahsan u qeexaya hanaanka loo maamulayo hawlaha uu u xilsaaran yahay. KDQ oo ah kii Afraad ee hadda joogaa wuxu xilka hayaa mudo 4 sano ah.

Mudadii uu KDQ joogay xafiiska wuxu ilaahay ku guuleeyey hawlo waaweyn oo Qaranka u noqday dhaxal gal, kuwaas oo ay kamid yihiin;-

. Diyaarinta diiwaangelinta Casriga ah ee Codbixiyayaasha, . Daabacaadda Kaadhadhka Codbixiyayaasha . Qaybinta kaadhadhka rasmiga ah ee Codbixiyayaasha . Diyaarinta iyo qabashadii Doorashadii Madaxtooyada JSL ee 13  Nov.2017.

Dhammaan shaqooyinkaasi waxay ahayeen kuwo leh baaxadooda, culayskooda iyo ahmiyadooda, nasiib wanaagse KDQ wuxuu ilaahay waafajiyey in uu si waafaqsan shuruucda dalka u qabto dhammaantood, maantana aynu haysano diiwaangelin casriya oo in badan dunidu inagu majeeratay oo sharaf iyo magacba u soo jiidday Qaranka Somaliland, taas oo horumar weyn ku soo kordhisay hannaanka iyo habka loo maamulo doorashooyinka iyo kalsoonida lagu qabi karo nidaamka Doorashooyinka Somaliland oo ah dhaxal ma guurto ah.

UJEEDADA WAR-SAXAFADEEDKAN

1. In KDQ shacab weynaha Somaliland la wadaago halka ay marayso shaqadii loo xilsaaray. 2. In KDQ soo bandhigo dhammaan wixii u qabsoomay sannadkan 2018. 3. In KDQ bayaamiyo caqabadaha ka horyimid iyo arrimaha hada taagan.

Haddaba KDQ isaga oo ka duulaya Masuuliyadaha Sharci ee saaran wuxuu markii ay dhammaatay Doorashadii Madaxtooyada JSL ee 2017 bilaabay diyaarinta Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee isku sidkan ,taas oo ay Maxkamada Sare, Golaha Guurtida hore ay isugu raaceen inay wadanka ka qabsoomaan 29ka Mar 2019.

Haddaba si loo diyaariyo Doorashada, KDQ wuxu qaaday tallaabooyin badan oo loogu diyaar-garoobayo Doorashada Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka, si wakhtigoodii loo cayimay loogu qabto.

KDQ wuxu Bishii December 2017 dejiyey dhammaan qorshayaasha lagu gaadhi lahaa qabsoomidda Doorashooyinka isku sidkan ee 2019 oo kala ah;-

1. Jadwalkii dib-ufurista diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka 2. Qorsha hawleedkii shaqooyinka KDQ ee Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka 3. Miisaaniyadii Diiwaangelinta & Doorashooyinka 4. Xeerarka iyo Shuruucdii u baahnaa dib u eegis iyo kaabis ee Diiwangelinta iyo doorashooyinka.

SHAQOOYINKA KDQ U QABSOOMAY Dec 2017 – Nov 2018

Dec 2017

. Markii ay dhammaatay Doorashada Madaxtooyadu, KDQ wuxu markiiba bilaabay diyaarinta Qorshayaasha Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka.

. KDQ wuxu Diyaarshay Dhammaan Casharradii laga bartay Diiwaangelintii, kaadh-qaybintii & Doorashadii Madaxtooyada 2017 si looga faa’idaysto korna loogu qaado tayada Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta xigta. Jan 2018

. KDQ wuxu la kulmay Urur Goboleedka IGAD si ay uga caawiyaan Doorashooyinka JSL . KDQ wuxu la kulmay Madaxweynaha JSL si loogu wargeliyo habraaca Shaqada Doorashooyinka & Diiwaangelinta si xukumadu u diyaariso Miisaaniyada Doorashooyinka ugana hawlgasho arrimaha Shuruucda iyo saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada.

KDQ wuxu diyaariyey Qorshihii Doorashada isku sidkan ee Wakiilada & Deegaanka oo ah;- 1. Qorshaha Guud (Operation Plan) 2. Miisaaniyadii (Budget) 3. Jadwalkii Shaqada (Timeline) 4. Shuruucda kala duwan (Electoral Laws)

Feb 2018

. KDQ wuxu la kulmay Madaxweynaha, wuxuna la wadaagay Miisaaniyadii iyo Qorshihii Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Qaranka si ay qayb uga noqdaan odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2018. . KDQ wuxu safar shaqo ku tegay Nairobi, wuxuuna halkaas Kula kulmay daneeyayaasha doorashooyinka SL sida ;- EU, UK, Denmark, Sweden iyo Netherland , waxaana loo bandhigay dhammaan Qorshayaasha KDQ, Miisaaniyadda Doorashada iyo Diiwaangelinta si ay uga qayb qaataan.

Mar 2018

. KDQ wuxu Cilmi-baadhis iyo Xog ururin ku sameeyey sida loo horumarin karo Diiwaangelinta iyo Qabsoomida Doorashooyinka isku sidkan oo markii ugu horraysay taariikhda Somaliland la qabanayo, si loo ogaado farsamo ahaan, sharci ahaan iyo dhaqaale  ahaanba siday u suurtobayaan doorashooyinkaasi

. KDQ wuxu dejiyey Siyaasadaha iyo Qorshayaasha loo maraayo dib u furista diiwaangelinta soo socota oo wadata shaqooyin cusub kuwaaso kala ah ;- o In la diiwaangeliyo dhammaan dadka cusub ee aan hore isku diiwaangelin o In Dib loo qaybiyo kaadhadhka codbixiye-yaasha ee 2017 aan la qaadan. o In Codbixiya-yaasha ay ka lumeen kaadhadhka codbixintu loo sameeyo kaadhadh cusub marka la soo hubiyo o In Codbixiyayaasha ka guuray Goobihii codbixinta ee degmada ay ka diiwaan-gashanaayeen, loo badelo degmada codbixinta ee ay u guureen.

. KDQ wuxu la kulmay Qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka, sida Xisbiyada Qaranka, Golayaasha Barlamaanka, Maxkamada Sare iyo Ururada Bulshada.

Waxay daneeyayaasha doorashooyinku KDQ la wadaageen, wixii talo iyo casharo ka barteen Diiwaangelinta iyo Doorashadii Madaxtooyada 2017

. KDQ wuxu bishii March la kulmay Xisbiga Waddani oo ay ka wadahadleen arrimaha Doorashooyinka –

April 2018

. KDQ wuxu dib u eegis, kaabis, iyo isku dhafid ku sameeyey saddexda xeer doorasho ee Madaxweynaha, Golaha Barlamanka iyo Golaha Deegaanka oo laga dhigay hal nuqul oo koobaya dhammaan shuruucda Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka JSL markii kowaad taariikhda Somaliland.

May 2018

. KDQ wuxu Madaxweynaha u gudbiyey Xeerka Diiwaangelinta & Doorashooyinka Qaranka oo ay la socdaan soo jeedimaha kala duwan ee ka yimi Xisbiyada Qaranka iyo Ururada Bulshada

Jun 2018

. KDQ wuxu dib u habayn, tayayn iyo kor u qaadis ku sameeyey Dhammaan Qalabkii Casriga ahaa ee lagu galay diwaangelinta

Codbixiyayaasha sida: BVR Kits & Serverka – isaga oo la kaashanaaya khubaro caalamiya . Golaha wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Doorashooyinka & Diiwaangelinta Qaranka waxaana loo gudbiyey Golaha Wakiilada si loo ansixiyo

Jul – Oct 2018

. KDQ wuxu dib u eegay Jadwalka Doorashada, Wuxu Waraaqo u diray Daneeyayaasha Doorashooyinka, wuxuna kulamo la yeeshay Xisbiyada si Jadwalka Doorashada lagu shaqaynayo loogu bandhigo .

KULAMADII KDQ IYO DANEEYAYAASHA

KDQ Wuxu intii u dhaxaysay bishi Jan – ilaa – Nov 2018 qabtay in ka badan 30 kulan oo looga arrinsanayay arrimaha diyaar garowga diiwaangelinta iyo Doorashooyinka kuwaasi oo lala yeeshay;-

1. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland 2. Xisibiyada Qaranka 3. Shirgudoonka Golaha Wakiillada iyo Guddiga Arrimaha Gudaha & Guddiga Joogtada 4. Shirgudoonka Golaha Guurtida 5. Ururada Bulshada 6. Qaadhan bixiyayaasha– kuwaaso ka dhacay gudaha dalka & Debeddaba. 7. Maxkamada Sare

DIB U DHACA KU YIMI JADWALKII SHAQADA DOORASHADA

. Diyaarinta shuruucda muhiimka ah . Diyaarinta Xafiisyadii Diiwaangelinta Heer Gobol & Degmo . Shaqaalaysiinta hawlwadeenadii KDQ . Tababaradii & Wacyegelinta bulshada . Diyaarinta Qalabkii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha . Bilowgii Diiwaangelintii Codbixiyayasha . Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta

CAQABADAHA

KDQ markii uu diyaariyey dhammaan qorsho hawleedyadii waxa ka hor yimi caqabado badan oo isugu jira, kuwo Sharci, Dhaqaale iyo muranno Siyasadeed, oo ka horyimid shaqadii, diyaar garowgii iyo geedi-socodkii Doorashooyinka.

Caqabadahaas waxa ka mid ah ;-

1. Xeerarka Doorashooyinka;- KDQ wuxuu isku-dhaf iyo kaabis ku sameeyey bishii May 2018, Xeerarkii Doorashooyinka, kadib markuu la tashaday daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha Doorashooyinka. Xeerarkaas oo aan weli la ansixin oo ilaa maanta horyaala Golaha Wakiillada

2. Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada; Sida laga warqabo waxa mudo dheer caqabad ku ahaa qabsoomida Doorashooyinka Golaha Wakiillada arrinta Saami Qaybsiga Gobolada oo ilaa maanta aan xal loo helin.

3. Wadashaqayn la’aanta Xisbiga Waddani; Xisbiga Waddani wuxu bishii March 2018 ku dhawaaqay in uu joojiyey wadashaqayntii u la lahaa KDQ taas oo ilaa hada taagan.

4. Is-faham la’aanta xisbiyada; Waxa jiray dedaalo ay wadeen xisbiyada Qaranku oo ay doonayeen inay kaga wada-hadlaan arrimaha Doorashooyinka, ilaa haddana aan dhamaystirmin.

5. Miisaaniyada Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka ; Xukuumada Somaliland waxay bixisay qayb kamid ah miisaaniyadii, lakiin markii uu abuurmay Jawiga aanu kor ku soo sheegnay waxa adkaatay in la wada helo dhammaan miisaaniyadii Doorashooyinka oo qayb ka mid ah ay bixin jireen qaadhaan-bixiyayaashu.

Sida uu dhigaayo xeerka Doorashooyinka Xeer Lr. 20/2001 Qodobka 9aad faqrada 2aad wuxu KDQ ku waajibinaya “inay cayimaan wakhtiga Doorashada 120 Cisho ka hor wakhtiga Doorashadu dhacayso, Madaxweynuhuna waa inu 15 malmood gudahood ku soo saara wareegto qabsoomida Doorashada”.

Sida xeerku dhigaayo waa in KDQ cayima qabsoomida Doorashada 29ka November 2018, isla markaana Madaxweynuhuna wareegto ku soo saaro ugu dambayn 13ka Dec 2018.

Sidaa darteed, KDQ wuxu cadaynaya duruufaha jira awgeed in aanay doorashooyinku ku qabsoomi karin wakhtigii loo cayimay ee ku beegna 29ka March 2019.

GUNAANAD

Si ay u qabsoomaan Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka, KDQ wuxu u baahanay ugu yaraan Toban (10) Bilood oo aan hakad lahayn oo laga bilaabo marka la xalliyo duruufaha ku gadaaman qabsoomida Doorashooyinka, si loo qabto shaqooyinkan;-

o Diyaarinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha o Diiwaangelinta Codbixiyayaasha o Qaybinta kaadhadhka Codbixinta o Diyaarinta Doorashooyinka o Iyo Qabsoomida Doorashooyinka isku sidkan

ALLA MAHAD LEH

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA