Hargeysa(ANN)-Guddida Xukuumadda Somaliland u xil-saartay maaraynta iyo ka hor-tagga Fayriska COVID-19, oo maalmihii u danbeeyay kulamo la lahaa gancsatada qaadka kasoo waarida dalka Ethiopia, ayaa maanta shaaciyay go’aan ay isla qaateen oo lagu joojinayo qaadka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici , isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Xukuumaddu u saartay Xannuunka Covid-19, iyo xubno ka mid ah Guddida, ayaa si rasmi ah u shaaciyay maanta in xukuumaddu joojisay ka ganacsiga iyo keenista Qaadka inta lagu gudo-jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Go’aamada lagu joojiyay qaadka, waxa shaaciyay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, oo warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in ciidamada Ammaanka la wareegi doonaan gaadiidka iyo hantida Cidda lagu qabto ee dalka Sharci-darro ku soo gelisa maandooriyaha Qaadka mudadaa oo ah 25 maalmood.

“Shirkii saddexaad ee aannu la yeelanay dadka ka ganacsada qaadka, waxaanu isla qaadanay in la jiijiyo qaadka, maadaama uu jiro xannuunka COVID-19, isla markaana qaadku yahay, waxyaabaha fududayn kara faafinta xannuunka, waxay nala garteen in maanta la badbaadiyo nafaha bini’aadamka, oo muddo 25 maalmood oo ka bilaabanta Axada 26 April, 2020, ilaa 21 May 2020, oo ku beegan laba maalmood ka hor Ciida, muddadaa in aan jaadka gudaha Somaliland la keeni Karin, lagana ganacsan Karin.” Ayuu yidhi, Madaxweyne ku xigeenku.

Wuxuuna ku amaanay Ganacsatada Qaadlayaasha inay muujiyeen waddaniyad, maadaama ay ku dhiirradeen oo aqbaleen kana garaabeen dhibaatada uu Shacabka ku keeni karo iyo muhiimadda ay leedahay in badbaadada nolosha Dadka wax kasta laga horaysiiyo.

“Laga bilaabo maalinta Axada 26 April, 2020 , waxay ku amran yihiin oo la farayaa Ciidamada Qaranka Somaliland inay la wareegaan qaadka cida keenta oo gaadiidka sida dawladdu la wareegay, qaadkana waxay ku amran yihiin inay gubaan halka ay ku arkaan, cidda wadatana sharciga ayaa la hot-geynayaa, wixii  khasaare ah waxa dusha loo saarayaa cidda keenta qaadka.” Ayuu yidhi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, wuxuu shacbiga ugu baaqay inay garab istaagaan go’aankaa, oo ay askar wada noqdaan, isagoo dhinaca kale xusay in qaadlayaashu kala shaqaynayaan sidii go’aankaasi u fuli lahaa.

Go’aanka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo tirada caabuqa dadka looga shakiyay iyo kuwa hore loo xaqiiyay gaadheen 19, qof, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id, isagoo xusay in Lix qof oo horre loo xaqiiyay ay kusoo kordheen 13 qof oo aan weli la xaqiijin, balse baadhis shaybaadh loo diray, kuwaas oo natiijada baadhistooda la sugayo.