Cabdikariim Xinif

Cabdikariim Xinif

Hargeysa(ANN)Guddida Madaxweyne Siilaanyo u saaray Todobadkii hore khilaafka shirka golaha dhexe ee KULMIYE, oo hawshoodu ahayd sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen cabashada ay Isbahaysiga Musharixiintu ka muujiyeen hawsha qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee Xsibiga KULMIYE, ayaa soo saaray warbixin la xidhiidha hawsha loo igmaday.
Guddida oo ka kooban shan xubnood oo kala ah, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Aadan, Guddoomiyaha Maamul-wanaaga, Axmed Muxumed Madar, Madaxda Maamulka Lacagta ee Komishanka Qaranka ee AIDS-ka, Cabdikariin Xinif iyo Guddoomiyaha Hay’adda Akademiga Nabadda, Dr, Maxamed Faarah oo natiijada guddidu soo saartay aan goob joog ka ahayn, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in natiijada hawshoooda ay ku oggaadeen in aanay waxba ka jirin cabashada la xidhiidha hawsha shirka golaha dhexe ee Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay.
Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo mid ah Guddida, ayaa sharaxaad ka bixiyay, natiijadii hawsha loo xil saaray, wuxuuna , isagoo arrintaa ka haldaya yidhi, “Waxa noo soo baxday in tirada rasmiga ah ee Golaha dhexe Xisbiga tahay 390 xubnood, 241, waxay ka yimaadeen deegaamada,10, waxa magcaabay Madaxweynaha, 6 Madaxweyne ku xigeenka, 23 Guddoomiyaha Xisbiga, 6 Xubnood oo hoggaanka xisbiga ah, waxay si toos ah u noqonayaan golaha dhexe, Xubin Madaxweynaha Qaranka oo si toos ah uga mid noqonaya golaha dhexe, wakiiladda oo ah 57 ah, 47 ka mid ah golaha wakiiladu xilka ayay kusoo galeen inta kale waxay ka mid noqonayaan tirada 241-ka ah.

49 xubnood oo ka mid ah golaha Wasiiradda oo xilkaa kusoo galay, 7 xubnood oo guddoomiyayaasha gobolada oo xilkaa kusoo galay, waana tirada saxda ah ee xubnaha golaha dhexe oo 390 xubnood ah” ayuu yidhi Cabdikariin Xinif, wuxuuna intaa ku daray inay oggaadeen inay is diiwaaan geliyeen oo ay kaadhadhkii qaateen 349 xubnood, isla markaana aanay weli is diiwaan gelin 41 xubnood, iyadoo weli diiwaangelintii socoto, waxa noo soo baxay inay jiraan 3 xubnood oo gebi ahaanba xisbiga ka baxay, xubin dhimatay, kadibna lasoo bedelay, waxa noo soo baxay in 6 xubnood Afar Xildhibaan iyo 2 wasiir oo markii hore deegaamada kasoo galay golaha dhexe, balse gudbiyay dalab ah in lagu bedelo xubno kale, iyaguna ay ku hadhayaan xilkii, waxaanuna guddi ahaan go’aaminay inaan bedelkasi soconayn inta shirka ee ay xubnaha lixda ah fadhiistaan shirka golaha dhexe, sadexa xubnood ee kalena jagooyinkoodu sidaa ku banaanaadaan ilaa inta shirka golaha dhexe dhamaanayo, balse sadexda xubnood ee ka baxay xisbiga bedelkooda la aqbalo oo loo oggolaado inay fadhiistaan shirka.” Ayuu yidhi Cabdikariin Xisif, wuxuuna intaa ku daray in tirade 349-ka xubnood ee kaadhadhka qaatay aanay wax mad-madaw ah ku jirin.
Guddidan waxa markii la magcaabay ganafka ku dhiftay isbahaysiga Musharixiinta, kuwaas oo sheegay in aanay ku kalsoonayn, isla markaana aanay cabashadooda waxba ka bedelayn.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380