Hargeysa(ANN)-Guddida Heer qaran ee ka hor-tagga Caabuqa Coronavirus, ayaa la wareegay gaadiid loo kala dirayo dalka oo ay saaran yihiin hawl-wadeeno ka socda Wasaaraddaha Warfaafnta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland iyo Horrumarinta Caafimaadka, kuwaas oo u kala baxaya Lixda gobol ee dalka iyo 23 Degmo.


Wasiirka Wasaaradda Horrumarinta Wadooyinka iyo Gaadiidka Somaliland, Cabdullaahi Abokor, ayaa sheegay in uu 62 gaadhi, oo 45 diyaar ku yihiin goobta ku wareejiyay guddida, kuwaas fulinya hawsha wacyigelinta, isagoo xusay in gaadiidku dhammaantood yihiin Baabuurtii Qaranka ee gaadiidka Dawladda.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Cumar Cabdullaahi Cali, ayaa uga mahad celiyay Wasiirka Wasaaradda Horrumarinta Wadooyinka iyo Gaadiidka Somaliland, Cabdullaahi Abokor gaadiidka loo kala dirayo gobolada iyo degmooyinka dalka.


Wuxuu sheegay in gaadiidku u baxayaan Lixda gobol ee dalka iyo 26 Degmo-doorasho, isagoo xusay in Gaadhi walba ay la socdaan saddex qof, kuwaas oo kala ah, laba Wasaaradda Caafimaadka ah, iyo hawl-wadeen Wasaaradda Warfaafinta ah, isla markaana ay gaadiidka dadka hawsha wadaa muddo lix maalmood ah ku maqnaanayaan deegamada, iyagoo maraya deegaan walba iyo Tuulo walba oo dalka ah.


.”Shaqada la qabanayaa, waxa weeye in aannay dhicin in qof u dhashay Somaliland aannu waayin wacigelinta ka hor-tagga iyo sidii uu isaga ilaalin lahaa xannuunkaa Coronavirus, sababtoo ah dadkeenu waxay u badan yihiin Miyiga, isla markaana lala kulmo oo loo geeyo xogtii si loogu baraarujiyo masiibada xannuunka COVID-19.” ayuu yidhi, Wasiirka Caafimaadka, isagoo xusay inay kooxda baxaysaa la kulmayaan dadka, iyadoo qorshuhu yahay in guddiyo loo sameeyo meel walba iyo deegaan kasta.


Wasiirka Wasaaradda Warfaafnta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo ka hadlay hawsha loo baxayo ee meesha taal, ayaa yidhi, “Xikmada ugu weyn ee meesha taal waxa weeye ee loo sheegayaa in dadku aqbalaan fariinta, dhakhaatirrta, Wasaaradda Caafimaadka, iyo soo gudbinta Wasaaradda Warfaafnta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland,” ayuu ydhi, Wasiir Saleebaan Cali Koore.


Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale, ka hadlay munaasibada gaadiidka lagu wareejiyay guddida ka hor-tagga caabuqa Coronavirus, wuxuuna sheegay in dhammaan hawsha la qabanayaa ay tahay dagaal caalamka oo dhan ka jira, kaas oo sida uu sheegay ah caabuqa Coronavirus.


wuxuu sheegay in ay degmoyinka Burco, Berbera, Boorama, Gebilay Hargeysa, ay diyaarinaayan gaadiid dhawr iyo toban ah, kuwaas oo qayb ka noqonaya hawsha la wado ee ka hor-tagga caabuqa COVID-19, isagoo dhanka kale xusay in gaadiidka maanta la keenay laxtga soo ururiyay Madaxtooyadda Somalialnd iyo Wasaaraddaha dalka.


Geba-gebadii, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida ka hor-tagga caabuqa Coronavirus, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, oo sheegay in sababta gaadiidka intaa leeg loo diray ay tahay sidii fariintu u gaadhi lahayd Bulshada Somaliland.


“Gaadhi walba waxa la saarayaa waraaqo wacgelin ah oo loo geynayo dadka, Saabuunta faraxalka, si Tuulooyinka loo geeyo, iyadoo Wasaaradda Caafimaadku ugu dirtay deeq Saabuun ah oo ay Hay’adda UNICEF, horre inoo siisay, ayuu yidhi, wuxuuna sheegay in dadka gaadiidka saaran ee hawshaa loo xil saaray sideeda u gudbiyaan oo gartaan masuuliyada saaran.


Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sidoo xusay kharashka ku baxay hawshaa, isagoo yidhi, “Kharashka hawshaa maanta aynu u dirayno, waxa ku baxay 560,000, 000 S/sh. (shan boqol iyo Lixdan Milyan) oo lacagta Somaliland ah, waxa kharashka intaa leeg oo weliba gaadiidkii dawladda la isticmaalayo looo gelayaa waa si loo badbaadiyo nafo, cudurkana ka hor-tag ayuu leeyahay ee ka daba-tag malaha, markaa dadka gaadiidka raacaya masuuliyad weyn ayaa saaran ee waa inay sideeda u gutaan, dadka loo tegeayona waxaan leenahay waa innaad qaadataan wacyigelinta.” ayuu yidhi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.