Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Akaadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradku ka gaadheen khilaafkii guddiga doorashada iyo qabashada doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo marar badan dib u dhacay sababo la xidhiidha khilaaf ka taagnaa oo u dhexeeyay Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Guddoomiyaha Akaadeemiga Nabada Somaliland, Maxamed Faarax 27 Feb 2020, Araweelo News Network.
Guddoomiyaha Akaadeemiga Nabada Somaliland, Maxamed Faarax 27 Feb 2020, Araweelo News Network.

Guddoomiyaha Akaadeemiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland, Maxamed Faarax waxa uu sheegay inuu heshiiska maanta ay wadajirka u saxeexeen dhinacyadu uu yahay guul usoo korodhay Somaliland oo meesha ka saaraya murankii iyo doorasho la’aantii dalka ka taagnaa inta badan, waxaanu yidhi; “Heshiiskani waa midaan ku hambalyeynayno Madaxweynaha, Guddoomiyaha UCID iyo Guddoomiyaha Waddani, waa rrin soo afmeertay muran in badan taagnaa, waa arrin innoo saamaxaysa in doorashadi 2020-ka dhacdo.”
Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaanu heshiiskani ahayn mid Somaliland dibedda kaga yimi oo Midawga Yurub iyo Beesha caalamku wadatay, balse uu yahay fikir iyo aragti dalka gudihiisa ka curatay oo Akaadeemigu hormuud u ahaa.


“Wixii lagu heshiiyey waa arrin Somaliland gudeheedaha ka dhalatay, maaha wax Midawga Yurub la yimi iyo wax cid kale dibedda ka timi wadatay maaha. Waa arrin dhexdeenna ka dhalatay, waa fikir iyo aaraah dhexdeenna ka curtay oo markii dambena Xisbiyada iyo Madaxweynuhu ku heshiiyeen, markaa waxaan doonayaa inaan bulshada u caddeeyo inaanay ahayn waxa beesha caalamku keligood wateen ee ay tahay wax Somaliland ay keentay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Faarax.


Guddoomiyaha Akaadeemiga Nabada oo sii sharraxaya sida heshiiskani ku yimi intaas ku daray; “15/16-ka bishii 1-aad ee 2020-ka, waxaannu qabannay shir ballaadhan oo ujeeddadiisu ahayd waa maxay caqabadaha hortaagan doorashooyinku? Sidee baa loo xallin karaa khilaafka Komishanka? Sidee baa loo heli karaa doorasho dhacda 2020-ka oo lagu wada kalsoon yahay? Annaga oo taas ka duulayna waxaannu isugu yeedhnay aqoonyahan badan, way ka doodeen, ka dibna waxaannu samaynay guddi aqoonyahan ah oo Rag badan oo la garanayaa ku jireen.”


“Ka dib waxaannu soo saarnay Qoraal ka kooban afar bayj oo ka hadlayey, habka iyo hannaanka loo xallinayo khilaafka, gaar ahaan arrinta Komishanka doorashooyinka. Waxaannu soo jeedinnay 6 qodob, waxayse isugu soo ururtay qodob, qodobkaasina waa kaa maanta la saxeexay.” ayuu yidhi Maxamed Faarax.


Guddoomiye Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaanay Soomaali markay dhinacyo isku haysto oggolayn in dhinac guulaysto, sidaa daraaddeedna ay sameeyeen in dhinac waliba guulaysto, maaddaama oo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi ku dheggnaayeen in guddiga doorashada ee cusub la kala diro, guddigii hore ee doorashadana la soo celiyo, halka uu Madaxweynuhuna ku doodayey in guddiga hadda joogtaa sharci tahay, awood sharci oo uu ku kala dirana u haysan, ka dibna ay Akaadeemiga iyo Aqoonyahanka ay xuleenba soo jeediyeen in Komishanka cusubina joogo, kuwii horena la soo celiyo, iyagoo guddi farsamo ah, arrintaas oo ay UCID iyo Waddani ka biyo-diideen, halka Madaxweynaha iyo Kulmiye soo dhaweeyeen, ka dibna ay beesha caalamka u bandhigeen Akaademi ahaan arrintaas, sidiina ay arrintaasi maanta ku hirgashay