baarlamaanka Djibouti xafladiiDjibouti(ANN)Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka qaybgalay munaasibad loo sameeyay Dhisme cusub oo loo sameeyay Baarlamaanka Dalka Djibouti, kadib markii uu booqasho ku tegey caasimada dalka Djibouti.
Mr. Jawaari, wuxuu kulan la yeeshay dhigiisa Baarlamaanka Dalka Djibouti Mudane Idiris Arna’ud Cali, waxayna labada Guddoomiye ka wada hadleen xaalada labada Dal iyo iskaashiga ka dhexeeya Dawlada Djibouti iyo Somalia. Sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadleen iskaashiga Labada Baarlamaan ee dhinaca sharciyada.
Guddoomiye Jawaari, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ka qaybgalo munaasibada dhismaha cusub ee Baarlamaanka Djibouti, isagoo yidhi, “Farxadda Djibouti, waa farxad Soomaaliyeed, Haybadda Baarlamaanka Djibouti, waa haybad Soomaaliyeed” ayuu yidhi Guddomiye Jawaari, wuxuuna xusay in labada Dal ee Djibouti iyo Somalia yihiin dad walaalo ah oo wax baddan wadaaga, isla markaana qaybsanaya dhib iyo dheefba.
Sidoo kale Guddoomiye Jawaari, wuxuu amaanay dawlada Djibouti doorka ay ku leedahay dib u dhiska Somalia iyo sidii ay Dawlad iskeed u taagani uga dhalan lahayd, isla markaana ay hiil iyo hooba la garab taagantahay shacbiga iyo dawlad Soomaaliyeed oo caggeheeda ku taagan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com