Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka ee golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ganafka ku dhuftay go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya ee lagaga hadlayay arrimaha doorashada ee xiisadu ka taagantahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ee golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Araweelo News Network 145 July 2020

Kadib markii shirkaa ay  hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada Soomaaliya kasoo saareen baaq macnihiisu ahaa in qaabka doorashadu noqdo mid ah doorasho dadban, maadaama sida ay ku sheegeen bayaankooda aannay xilligan macquul ahayn in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod (One Person One Vote), balse guddoomiyha Baarlamaanka Maxamed Mursan ayaa si cad u sheegay in baarlamaanka aannu aqbalayn arrintaas, isagoo sheegay in ay xilligan oo ay ansixinayaan sharciyadii doorashooyinka.

Guddoomiye Musral, wuxuu sidaa ka sheegay fadhigii maanta ay xildhibaannada golaha shacabku kaga doodayeen markii labaad sharciga Axsaabta oo dib loogu soo celiyay golaha.

 

“Ma jirto meel ay sharciga kaga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xidhiidha doorashada waxay go’aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul gobolleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saamayn ah kuma laha arrintaas,” ayuu yidhi Guddoomiye Mursal.

Wuxuu sheegay in aannay jirin meel ay ku qoran tahay sharciga, sidaa awgeed wuxuu sheegay  in annay xilligan muuqan sabab loo yidhaahdo doorasho dadban hala qabto, wuxuu sheegay in wixii shuruuc ah ee doorasho lagu qaban lahaa ay awooddeeda iska leeyihiin Baarlamaanka, balse aannay lahayn dowlad gobolleedyadu

 

Dhawaaqa guddoomiye Mursal, ayaa kusoo beegmay markii ay hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada Soomaaliya kasoo saareen shir ay ku lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug, kaas oo ay wejigiisa labaad ugu baaqeen in xukuumadda Federaalka ah ay kasoo qaybgasho, iyadoo ra’iisal wasaare Khayre shalay gaadhay magaalada Dhuusamareeb si looga tashado arrinta doorashada.

war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee federaalka, kaasoo ay ku sheegeen in guddiga doorashada ay waqti dheeraad ah u baahan yihiin sidaas darteedna hadda la doonayo in laga hadlo habkii ay ku dhici lahayd doorasho aan waqtigeeda ka dib marin.

Doorashada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa hore loogu qorsheeyay inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, halka doorashada madaxweynahana ay ku beegan tahay bisha February ee sanadka 2021-ka, guddida doorashooyinka, ayaa dhowaan sheegay in aannay xilligan doorashadu ku dhici karin waqtigii loo qorsheeyay, sidoo kale kooxaha siyaasada iyo hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada ayaa isku waafaqsan in aannay suurtagal ahayn in ay Soomaaliya xilligan ka qabsoonto doorasho hal qof iyo hal cod (One Person One Vote),

AKHRI: Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya?

Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka, ayaa hore ugu qorsheeyay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay noqoto dawladdii u danaysay ee dalka gaadhsiisa doorashooyin hal qof iyo hal cod (One Person One Vote), iyadoo qorshaha hirgelintiisa uu masuul ka yahay Ergyaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ah Madaxweynaha dadban ee fulinaya qaraarka qorshaha Qaramada Midoobay ee ku waajahan Soomaaliya, balse qorsaha la doonayay in 2020, lagu gaadhsiiyo doorashooyin ayaa hada la garwaaqsaday in aannu ahayn mid xilligan suurta gal ah.

AKHRI: Ajandaha Qarsoon Ee Shirka Maamul Goboleedyada Soomaaliya, Dhawaaqyada Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Khayre Ee Dhaliyay Dooddaha

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNISOM, awoodda uu leeyahay iyo hawlaha uu ka filinayo Soomaaliya ayaa golaha amaanku wax ka bedeleen qaab-dhismeedkiisa iyo qorshayaasha uu filinayo Jun 2013, waxaana ku lamaan Xafiiska lagu magcaabo Waaxda Siyaasada Dhismaha Nabadgelyada ee loo soo gaabiyo (DPPA), kaas oo ka furan Magaalada Muqdisho.

 

Halkan Ka Akhriso; Awooddaha iyo Waajibaadka Xafiiska Qaramada Midoobay Iyo Ujeedada Loo Aasaasay