Araweelo News Network

baankadhexeeesomalia
Muqdisho (ANN)- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr. Bashiir Ciise Cali, ayaa xaqiijiyey in baankiisa laga xaday lacag lacag dhan $5,30,000 (shan boqol iyo soddon kun) doollarka Mareykanka ah oo dawladdu lahayd.
Dr. Bashiir u warramay warbaahinta maamulka Muqdisho shalay, ayaa sheegay inuu lacagtaas baanka kala baxay mid ka mid ah qasnajiyadda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, “Kaasoo muddo bil ah soo dhigayey baanka lacago been abuur ah, dabeedna kala baxayay middii rasmiga ah ee qasnadda ku jirtay, ciidammada ammaanka ayaana ku daba jira ninkaas oo baxsaday,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Bangiga ayaaa intaas raaciyey inay haatan socdaan baadhitaanno lagu xaqiijinayo cidda ka dambaysay falkaas, waxaannu xusay in xaaladda baanku hadda caadi tahay, hawluhuna si wanaagsan u socdaan.
Falka lacagta boqollaal kun ee doollar lagaga xaday Baanka Dhexe ee dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey si weyn looga hadal-hayey magaalada Muqdisho, waxa loo xidh-xidhay dhowr qof oo la sheegay inay xidhiidh dhow la lahaayeen qasnajiga xatooyada ku kacay oo aan magaciisa la shaacin.
Madaxda sare ee dawladda Muqdisho ayaa ugu digay masuuliyiinta maamulkooda in xilligan kala guurka ah lagu takrifalo hantida qaranka iyo awoodaha dawladnimo, si qaldanna aan loo isticmaalin.