Hargeysa(ANN)-Dallada SONSAF, ee midaysa Ururada Bulshada Rayidka ah ee aan dawliga ahayn, ayaa ayaa soo dhawaysay go’aankii ay soo saareen Guddiga Dhex-dhexaadinta ee lagu soo af-jaray khilaafka u dhexeeyey Xisbiyada Mucaaradka iyo xukuumadda ee la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka ee dib u dhacay iyo Komishanka laysku khilaafay.


Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Mr Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa Xisbiyada iyo xukuumaddaba ugu baaqay inay u hoggaansamaan go’aanka ay soo saareen guddiga Dhexdhexaadinta, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii Doorashooyinku dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Mr. Anwar waxa uu soo jeediyey saddex qodob oo Dallad ahaan ay u arkaan inay suurto-galinayaan sidii dalka looga qaban-qaban lahaa Doorashooyinka Goleyaasha Baarlamaanka iyo Deegaanka, kuwaas oo uu sheegay inay Shacabka dalku u heellan yihiin qabsoomiddooda, isagoo xusay sida ay u muddo dhaafeen Golayaasha Guurtida, Wakiiladda iyo Deegaanku.

AKHRI: Guddoomiyaha Dallada Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF Oo Ku Tilmaamay Muddo Kordhinta Mid Niyad-jab Ku Ah Bulshada


“Guurtidu waxay maraysaa 24 sannadood, Baarlamaanku wakiiladdu waxay marayaan 10 sannadood, shacbiga Somaliland waxay danaynayaan oo diyaar u yihiin doorashooyinku inay dhacaan, wadanka haddii aan doorasho ka dhicin, wuxuu noqonayaa wadan aan dumuqraadiyi ka jirin, haddii doorashooyinku dhacaana dalku wuu qurux badnaanayaa, sidaa awgeed in la qabto doorashooyinku waa arrin muhiim ah.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan.

“Waxaanu soo jeedinaynaa in loo dhego-nuglaado qodobbadii iyo go’aamadii ay soo saareen Guddiga Dhexdhexaadintu. Qodobka labaadna waxa weeyaan in Xisbiyada mucaaradku oggolaadaan Gogoshii Madaxweynuhu u fidiyey oo ay wada-fadhiistaan si looga wada-hadlo arrimihii Doorashada. Qodobka Saddexaadna waxa weeyaan in wax kasta oo fududaynaya in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto in la fududeeyo dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinku k qayb qaataan”, ayuu yidhi Guddoomiye Anwar Cabdiraxmaan.


Waxa uu sheegay in Somaliland ay Caalamka ka iibiso nabad iyo Dumuqraadiyad, sidaa awgeed loo baahanyahay in rukumada Dumuqraadiyada la ilaaliyo sida Doorashooyinka, Xoriyada hadalka iyo Nabada oo uu sheegay inay Somaliland dunida ka iibiso, wuxuuna xusay in haddii la waayo ay Somaliland yeelanayso sawir foolxun, markaa waa in la qabto doorashadii, wuxuuna xusay in arrintu aanay noqon midi midi ku taag ee laga shaqeeyo sidii dalka doorashooyiin looga qaban lahaa, taas oo uu sheegay inay diyaar u yihiin SONSAf, ahaan sidii loo dhamayn lahaa arrimahaa ee loo meel marin lahaa heshiiskaa.