TelesomDahabshiil
Published On: Wed, Jun 17th, 2015

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Somaliland In La Dhamaystiro Hawsha Nabadaynta Taleex

abdirashid xiirTaleex(ANN)Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo ee xaruntiisu tahay magaalada Taariikhiga ah ee Taleex Cabdirashiid Maxamuud Xiir, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in la dhamaystiro arrinta nabadaynta Taleex, taas oo uu sheegay in Xukuumaddu door muhiim ah ka qaadatay sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada u dhaxaysay dadka deegaanka, balse loo baahanyahay in la xoojiyo hawshaa oo ay xukuumaddu kordhiso juhdigii ay gelisay xal u helida arrinta Taleex.

Guddoomiye Cabdirashiid Xiir, wuxuu sidaa ku sheegay warbixin kooban oo uu siiyay shebekada Araweelo News Network, isagoo ku sugan magaalada Caasimada Hargeysa, wuxuu isagoo arrintaa la haldaya yidhi, “Xaalada gobolka Xaysimo waqtigan way degantahay mana jirto wax dhibaato ah, laakiin waxaa weli qabyo ah hawshii nabadaynta ee deegaanka Teleex, iyadoo aanu Xukuumadda iyo Ciidanka Qaranka Somaliland uga mahadcelinayo sidii ay hawshaa nabadaynta loo galay oo aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu amaanayno arrintaa, balse waxaan Guddoomiye ahaan ku baaqayaa in la dhamaystiro hawshii nabadaynta oo xukuumaddu xaajiso kaalinta ay ku leedahay si natiijo waarta looga gaadho colaadda dadka deegaanka u dhaxaysay ee caqabada ku noqotay horumarkii gobolka Xaysimo” ayuu yidhi Cabdirashiid Xiir.

Wuxuuna intaa ku daray in maadaama bisha barakaysan ee Ramadaan la gelayo dhamaystirka hawsha nabadaynta looga faa’idaysto, isagoo ugu baaqay shacbiga Gobolka Xaysimo inay bisha bakaraysan isa saamaxaan oo ay midoobaan si hawlaha gobolka loo dhaqaajiyo, iyadoo gamcaha lays haysto Xukuumad iyo shacabba, isla markaana layska ilaabo kala qaybsanaanta iyo waxyaabaha kala qo-qobay bulshada ee cunfiga ah.

Sidaa awgeed wuxuu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in la xoojiyo doorka ay ku leedahay xalinta dhibaatada Taleex si natiijo looga gaadho arrintaa, “Waxan filayaa inay tahay xiligan bisha barakaysan ee Ramadaan waqtiga ugu haboon ee hawshaa nabadaynta looga faa’idaysan karo”ayuu yidhi Cabdirashiid Xiir.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Human Rights

Businesses

Pin It