Araweelo News Network



Hargeysa(ANN)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in ciidanka qaranku ku filan yahay inuu dalka ka difaaco weerar cadaw kaga soo qaado dhinaca dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya, kuwaas oo uu xusay inay ciidan badan soo dhoobeen degaannada maamulka Puntland.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey fadhigii Golaha Guurtida , waxa uu tilmaamay in maamulka Soomaaliya uu daandaansi cad ku hayo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, kana xun yihiin maalgashiga iyo horumarka dadka reer Somaliland.

“Gar-darraddi iyo daan-daansigii ee Soomaaliya ku haysay Somaliland weli wuu socdaan, waxa aynu u arkaynaa gar-darradaas in nolosheena iyo horumarkeena uun ay hor taagan yihiin. Waayo, waxaan ahayn in aynu dalkeena u talino, oo horumar la raadinay oo aynu samaynay ma jirto, wax dhib ah oo aynu iyaga (Soomaaliya) ku haynaana ma jiro, intaanna waa u ducaynaynaa, maantana waannu u ducaynaynaa, in Ilaahay timaha u kala furfuro.

Iyagii (Soomaaliya) ayaa qeybsan, iyagii ayaa dawladdii iyo xildhibaannadii badh ah oo meel ah iyo Jawhari (Guddoomiyaha Baarlamanka Muqdisho) oo intii kale wata iyo meel ah u kala fadhiya. Bal waa kuwan joojiyey shirkii maanta ee ay timahaba sida dumarka isku jiidi lahaayeen ee markii uu soo galay Madaxweynahoodii ee uu yidhi; ‘Waar bal, hala joojiyo.’ Intaa muxuu u daawanayey dee?
“Ilaahay ha kala furfuro, innaguna waxa aynu ka rajaynaynaa oo nimankaas ka codsanaynaa Soomaaliya dawladeeda inay lurka innaga daayaan. Waxa ay hadda qabsadeen waa Dekeddii Berbera, dee lur iyagii kuma haysee, innagu in aynu noolaano, oo nabad ku wada noolaano, oo waxqabsanno oo aynu horumar gaadhno ayey inoo diidan yihiin. Dee ma sidooda ayey innala rabaan? Illaahay kama dhigo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.

‘Waar bal dhegeysta.’ Inaad dhegeysateenna waan filayaa. Waxa aynu saaka isugu nimi in aynu garab iyo gaashaan Madaxweynihii iyo dawladdii u noqono, waxa ugu weyn oo u noqdaana waa labada Gole [Guurtida iyo Wakiillada]. Waxaan soo jeedinayaa inaynu ayidno wixii shalayto Madaxweynuhu ku hadlay ee ahaa, saameynta madaxbannaanideena iyo Berbera, in aynu gacanta u taagno oo aynu Madaxweynaha ku raacno. Inta oggoleey gacanta taagga. Waxaynu ku fadhinaa 46 Xildhibaan, 44 way oggolaatay, 1 midna waa aamusay, aniguna maan codayn. Sidaas ayuu ansax ku yahay taageeradii Madaxweynaha.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Guurtidu mar kale sheegay in ciidan ka socda dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya la soo dhigay degaannada maamul-goboleedka Puntland, waxaannu yidhi; “Sidii aan shalayba (Sabtidii) aan idhi, ciidammadii weli way soo dhoobayaan Soomaaliya, taangiyo keensade. Ciidankeenu wuu ku filan yahay difaaca qaranka Somaliland, waynu ugu ducanaynaa, dadweynahana in aynu ku barraarujino ayaa waajib innagu ah xaaladda dalku ku sugan yahay, Xildhibaannadoodiina waa nahay, hawshaasi waa xil ina saaran wadar ahaan iyo waaxid waaxidba, waa arrin ina saaran,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.