Araweelo News Network

Kaaraha laga qabsaday Puntland ee u gacan galay Ciidanka Qaranka Somaliland

Tukaraq((ANN)-Wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Ciise Axmed Yuusuf Xawar, Taliyaha Ciidanka Qaranka somaliland General Nuux Ismaciil Taani, Wasiirka Biyaha Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada somaliland, ayaa gaadhay deeganka Tukaraq ee Jiida hore oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Qaranka.

Waftigan oo lagu soo dhoweeyay deegaaankaa, ayaa kala qaybgalay ciidanka  Qaranka Somaliland farxda guusha  ay ka gaadheen weerrarkii gardarada ahaa ee ciidanka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland kusoo qaadeen shalay. waxayna Wefdiga Guddoomiye Baashe indhohooda ku arkeen gaadiidka Iyo saannada Milateri ee laga qabsaday Puntland, iyadoo goobaha lagu dagaalamay  shalay iyo raadadka khasaaraha la gaadhsiiyay ay soo arkeen.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaciil Taani oo ka hadlay khasaaraha dagaalkii shalay dhacay, ayaa sheegay in hada xaaladu degantahay oo ay ku qabsadeen Gaadiidka gaashaaman oo ka kooban 7 Gaadhi iyo hal Taangi(Kaare) waxa kale oo uu sheegay Gen. Taani in ay qabsadeen hub fudud oo qoryo u baddan, wuxuuna xusay in ay Ciidanka Qaranka Somaliland hada ku sugan yihin duleedka deegaanka Tukaraq oo ay 7 Km hore u socdeen.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo sheegay ahmiyada ay nabadu leedahay iyo in ay ka Xukuumad ahaan markasta jecelyihiin Nabada laakiin haddii la daan daansado ay waddo cad iska marin doonaan cid kasta oo duulaan ku ah qaranimada Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Ciise Axmed Yuusuf Xawar oo goobtaa ka hadlay ayaa sheegay in uu hada ciidanku gaadhay guul muuqata oo uu ka gaadhay cid kasta oo daandaansi ula timaada, waxaanu xusay in ay ciidamada qaranka hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in ay nabadu tahay shay qaali ah, balse aanay cidna u daba fadhiisan doonin dagaalkanina uu yahay mid lagu khasbay ciidamada Somaliland, guddoomiyaha, ayaa sidoo xusay in ka maamul ahaan ay markasta jecel yihiin guulaha la taaban karo ee ciidamadu sameeyaan.