GudsaleebaanHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan , ayaa ka hadlay markii u horaysay doorashadii Xsbiga KULMIYE, golihiisa dhexe ku doortay inay Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne iyo ku xigeenkiisu noqdaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Doorashadaa oo ay qaadaceen Sadex musharax oo aan ka qaybgelin tartanka, isla markaana natiijada doorashadaa ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn oo aanay aqbalayn marnaba, iyadoo musharaxiiintaa iyo xubno wasiiro ah oo iska xasilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo weli dibadda ka joogaan Xisbiga KULMIYe, isla markaana la baxeen Isbahaysiga Dumuqraadiyada KULMIYE.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo mudadii shirka golaha dhexe ee KULMIYE socday safar kaga maqnaa dalka, isla markaana hagayay kal fadhiga 58aad ee golaha guurtida maanta, ayaa ka hadlay dareenkiisa doorashada KULMIYE iyo aragtidiisa khilaafkii ka dhashay ee sababay inay kooxda la baxay Isbahaysigu weli dibedda ka joogaan Xisbiga, wuxuuna isagoo Guddoomiye Saleebaan arrintaa ka hadlay yidhi, “arrinkaasi uu dhamaaday Xisbiguna hogaamiye ayuu doortay”

Sidoo kale Guddoomiye Saleeban, wuxuu khilaafadka soo noqnoqda ee Xisbiyada Qaranka Somaliland ku sifeeyay arrin dabiici ah, isla markaana aanu arkin inuu waqtigan jiro khilaaf siyaasadeed oo dalka wax u dhimaya, isagoo yidhi, “Maxay Axsaab ka yihiin hadaanay isqabqabsan, mar haddii wax la qaybsanyo ragu in uu iska qabsadaa waa wax dhaca mar walba maanta laysku haysto oo dalka wax u dhimaya anigu ma arko wax dalka dhaawacayana ma arko”

Guddoomiye Saleebaan, waxa uu sidoo dareenkiisa ka fal celiyay Kursiga Guurtida ee uu ku fadhiyo iyo inuu ka nasanayo, ama banaynayo, wuxuuna si kooban u yidhi, “hadaan daalay waa la iga fadhiisin xilka hadaan garan waayay” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxmuud Aadan.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380