Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in la isku diyaariyo sidii looga tabaabushaysan lahaa dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha kala duwan ee ku soo noqnoqda dalka Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan Aadan Maxamuud oo la hadlay warbaahinta , waxa uu yidhi; “Guddigii Abaaruhu way dhisan tahay, haddii aynu gaabis ka dareennay, waxa aynu leennahay waar orodka kordhiya oo dedaalkiina kordhiya, oo muuqaalkiina ha la arko, siyaasadi waa muuqaal. Muqaalkiina ha la arko, haddii la arko idinka oo ordaya oo hadlaya, dadkuna wax way iska soo goyn (oo taakulaynta way ka qaybgeli).

Markaa yar iyo weyn, rag iyo dumar in aynu fadhigga ka kacno oo u gurmanno ayaa ina saaran qaran ahaan mid madax ah, mid xoolo haysta, nin xayn yar haysta, xoog weyn bay u baahan yihiin iyo in laga saaro caydh-nimada. Waynu ka xunnahay, tamarteenuna waa yar tahay ee aynu fadhigga ka kacno oo u gurmanno dadkeenaas wanaagsan.”
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale sheegay in laga wada shaqeeyo sidii looga sii tabaabushaysan lahaa dhibaatooyinka abaaraha ku soo noqnoqday dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxa weeye, maalin walba innaga oo iska fadh-fadhina yaanay innagu habsane inaynu qorshe ka yeellano, oo nidhaadhno waa tan oo way soo noq-noqonaysaaye, sida Gaalo sheeganayaana waabay sii bararisay, inaynu fadhigga ka kacno oo qorshe sameysanno, oo sannadka aynu wax helno ee roobabku inoo da’aan inaynu wax meel u dhigno oo keyd waa inaynu ka yeelanno. Wixii aynu gaadhi wayno innagu, horta waa inaynu u kacnaa, wixii aynu gaadhi waynana waa in aynu adduun weyne ula-qeyshanaa oo nidhaahnaa; ‘Waaryaadha waannu dedaalaynaa, kumase filnin.’ Meel kale oo ay wax ka helayaan ma jirto, haddii dibed wax looga doonayo, madaxdu waa inay u doontaa, dadkuna waa inuu is-xil-qaamaa, dee aynu u gurnamo, waxa la isticmaalaa ereygaas; ‘Caydhi waa colaad.’ Colaad baa haysatee inaynu u gurmanno, waa waajib wax innagu ah, wixii kale ee la ururin karana la ururiyo, qeyladana aan dheeraysanno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.