Araweelo News Network

gudoomiyahahayadashaqaalhaiyoHargeysa (ANN) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Sharmaarke Axmed Muxumed, ayaa sheegay inay tallaabo horumar ah u qaadeen nidaamka Shaqaalaha iyo Shaqaaleynta.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo Saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo si wada jir ah uga hadlayey gebogabada Imtixaan lagu qaadanayey shan qof oo ka hawl-gelaya mashruuca dib-u-habeynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland oo Baanka Adduunku kala shaqeynayo Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa shaaciyey shanta xubnood ee ku soo baxay imtixaanka lagu kala reebay codsiyo ay soo gudbiyeen 187 qof oo shaqo-doon ah, kaasoo ay ugu dambayntii u fadhiisteen 35 qof.
“Halkan waxa ku dhegsan (liiska dadka imtixaanka ku soo baxay iyo kuwa hadhay), marxaladaas kala duwan ayuu (imtixaanku maray) sida ay u kala heleen imtixaanka, siday u kala sareeyeen gebogabadii, sida qofkii kaalinta koowaad helay, kii labaad, kii saddexaad, nidaamkaas oo ku salaysan aqoontooda wixii ay ku keeneen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Ilaahay (SWT) caddaaladda ayuu ina faray ilaalinteeda, intii bani-aadam ku aaddanaa iyo intii nidaam ku aaddanayd waanu u qabanay, intii aqoonta lahayd ayuu Ilaahay noo xulay, intaas ayaanu dib u soo xirfadeyn doonaa si ay nooga caawiyaan tayeynta Shaqaalaha Dawladda, si aynu u helno shaqaale ina siiya adeegga aynu mudannahay. Maanta waa maalin aynu quluubta dadka soo noolaynayno oo aynu ku noolaynayno in dalkani caddaalad yahay.”
“Dawlad ahaan iyo qof ahaanba dooni mayno in dulmi lagu wada socdo. Dooni mayno in shaqada lagu helo waxaan ahayn qallin, xirfadda iyo aqoonta qofka, nidaamkaas ayaanu u guntannay. Waxaan u mahad-celinayaa saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha, intii imtixaanka qaaday iyo kuwii nala hubiyey,” ayuu yidhi Mr. Shar-ma-arke Axmed Muxumed.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaaaha Dawladda Somaliland Mr. Maxamuud Xarbi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in xubnaha imtixaanka qaadayey lagu dhaariyey kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, si loo adkeeyo ilaalinta caddaaladda oo meesha looga saaro qof jeclaysi iyo tuhun.
Waxa kaloo uu sheegay in intii imtixaankaasi qaadiddiisa loo fadhiyey iyo intii la saxayey ay goob-joog ka ahaayeen Komishanka Shaqaalaha ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, wasiirro iyo Masuuliyiinta Dugsiga Tababbarka Shaqaalaha ee CSI ee Somaliland.