Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka photo file

Hargeysa(ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey in hawlaha doorashooyinku diyaar ka yihiin dhinacooda oo aannu jiri doonin dib-u-dhac mar kale ku yimaada.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay inuu dhammaystiranyahay diyaargarowgooda hawlaha qabashada doorashada Madaxtooyada dalka Somaliland ee u qorshaysan in la qabto bisha November ee sannadkan, waxaannu farriin hawada u mariyey xisbiyada siyaasadda, shacabka iyo xukuumadda.
“Sidii aannu toddobaadkii la soo dhaafay u shaacinay waa diyaar Komishanka Doorashooyinka Qaranku, jadwalkiisii, tabaabushihiisii iyo inuu kaadh-qaybintii bilaabo oo laba labadii gobol loo bilaabo, labada gobol ee u horreeyaana ay yihiin Awdal iyo Saaxil oo kaadh-qaybintoodu ka bilaabi doonto 29-ka bisha April. Waxaannu ku wargelinaynaa dhammaan shacabka Somaliland in loo diyaargaroobo, Ilaahay waakaa roobka inoo shubay ee ha noo sii wado oo abaarta ha innaga soo jabiyo, laakiin marka dib-u-dhicimayso ee ha la diyaargaroobo haddii xisbiyo la yahay, haddii shacabwayne la yahay iyo haddii dawladda la yahayba, xagga Komishanka waa ka diyaar boqolkiiba boqol 100%,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan oo warbaahinta uga warbixinayey kulan Guddiga Doorashooyinku xarunta Baarlamanka kula yeesheen Guddi-hoosaadka Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada.
Md. Cabdiqaadir Iimaan waxa uu ka warramay waxyaabaha ay ka wadahadleen guddiga Wakiillada, waxaannu yidhi, “Waxa uu ahaa uun sida caadiga ah in aannu is xaal-waraysano oo wixii xaggayaga jira iyo diyaargarowgayaga ay naga waraystaan, markaa waanu isku afgaranay dhammaan su’aalihii ay na waydiiyeen iyo wixii madmadow kaga jiray, waxaanna ugu waynaa sida aannu diyaar u nahay. Dhammaan waanu is xogogaal-waraysanay, waanuna kala qaadanay wixii talo iyo tusaale ah.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa isaguna faahfaahiyey nuxurka kulanka ay la yeesheen Guddiga Doorashooyinka, waxaannu yidhi, “Waxaannu ka wadahadalnay doorashooyinka madaxweynenimada ee la filayo inay dhacdo bisha November ee sannadkan, waxaannu ka wadahadalnay dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 72-aad oo sheegaya shuruudaha looga baahan yahay murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka. Waxa kaloo aannu ka hadalnay oo annaga guddi ahaan noo gaar ah in aannu dabagalno xisaab-xidhada hay’adaha iyo wasaaradaha dawladdu leedahay.
Arrinta doorashadooyinka waxay noo iftiimiyeen inay ka go’antahay in doorashadu Madaxtooyadu waqtigeeda ku dhacdo oo ah bisha November, waxa kaloo ay noo iftiimiyeen in sida ugu dhakhsaha badan u bilaabayaan qaybinta kaadhadhkii codbixinta oo ay gayn doonaan goobihii loogu talogalay.”
Md. Naasir Cali Shire waxa uu baaq la xidhiidha dhammaystirka hawlaha doorashada u diray xukuumadda Somaliland, “Waxa keliya oo halkan nooga soo baxay runtii loo baahanyahay oo xukuumadda Somaliland aannu ka codsanaynaa in wixii kharashaad ah ee loo baahnaa inay hawshaa ku qabtaan sida ugu dhakhsaha badan loogu dhammaystiro,” ayuu yidhi Guddoomiye Naasir Cali Shire.