Hargeysa (ANN)- Muuse in aanu I Dhisayn Waan Filayay laakiin maan Filayn inuu dhagaxa Ugu Horeeya Igu Soo Tuurayo, sidaa waxa yidhi, Guddoomiyha Xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.

Guddoomiye  Kaahin wuxuu daba socday hadal uu xalay jeediyay Madaxweyihii hore Muuse Biixi oo ka hadlayay Khilaafka Xisbiga iyo shir uu ku baaqay Guddoomiyihii hore ee Gollaha dhexe oo xilka laga qaaday, balse maanta laga saaray xubinimadii Xisbiga.

Maxamed Kaahin wuxuu ka hadlay marxaladihii adkaa ee uu soo maray Xisbigu, kuwaas oo sida uu sheegay aan qofka oggaa rumaysnayn inuu kasoo gudbayo. Balse dhammaantood iyadoo la raacayo Xeerarka Xisbiga iyo sharciga laga soo gudbay.

Muuqaalkan ayuu Guddoomiye Kaahin kaga Hadlay marmalada Kulmiye ku jiro maanta iyo qorshaha saaxibkii Muuse Biixi ee xilligan Khilaafka.
https://www.facebook.com/share/v/1DJHjA5AFn/