Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magcaabay xilka Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Gebilay.

Sidaana waxa lagu Sheegay qoraal Uu ku saxeexnaa Gudoomiye Muuse Biixi, kaasoo u qornaa sidan:-

“Magacaabista Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.

Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE u leeyahay abaabulka haweenka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubinta hoos ku qoran in ay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.

– Kaltuun Haaruun Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Gabiley ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan u rajaynayaa marwadda magaceedu kor ku xusan yahay in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilkeeda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi