shrikii Golaha Wasiirada iyo arrimaha DoorashadaHargeysa(ANN)Shirkii Golaha wasiirada Xukuumada Somaliland ee maalinta khamiista ah lagu qaban jiray qasriga madaxtooyada Somaliland, oo ay maanta kala qaybgaleen hogaanka Xisbiga talada haye ee Kulmiye, ayaa lagaga hadlay Mawqifka Xisbiga Kulmiye ee la xidhiidha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa guddoominayay shirka Todobaadlaha ah ee golaha Wasiirka, iyadoo ay ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil Saylici iyo Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Furitaankii shirka ee Madaxweynaha ka dib waxa lagu soo dhoweeyay Guddoomiye Muuse oo ka hadlay mawqifka xisbul xaakimka ee doorashooyinka, wuxuuna ka akhriyay madasha shirkaa qoraal ka hadlaya arrimaha doorashooyinka, kaas u qornaa Sidan:-

shirkawasiradasldshirkagolahawasirasomaliland

“Mowqifka Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka 19/02/2015

Mudane madaxweyne Waxa inoo farxada inaan maanta halkan ku kulano oo cidwalba u cadayno mowqifka xisbigeena ee doorashooyinka.
Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa , sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inno leh. Laba kamida tiirarkaasi waa:-
1. In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha

2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

Hadaba xisbiga iyo xukuumadu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.

1. Dhamaystir sharci

2. Magacaabida GDQ

3. Dhaqaale

Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.

Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.

Mawqifka kulmiye

1. In komishanku leeyahay awooda wakhtiga doorashada la qabanayo

2. In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo

3. Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah.

maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka sharciga

Haddii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.

Xisbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.

waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray”ayaa lagu yidhi Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Muj. Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews