Araweelo News Network

muse biixiLondon(ANN)Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay dhibaatooyinka u waawayn ee Somaliland u baahan tahay in laga daweeyo.

Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad dheer u jeediyey jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Ingiriiska, gaar ahaan London oo xaflad sagoonti ah ugu qabtay habeenkii Sabtidii, waxa uu kaga hadlay qorshihiisa uu ku doonayo inuu dalka ku horumariyo haddii lagu doorto doorashada madaxtinimada shan sanno ee soo socda, isagoo isbarbardhigay dhibaatooyinka xilligan ka jira dalka iyo sida wax looga qaban karo.

Md. Muuse Biixi waxa uu xusay in saboolnimada, qabyaaladda iyo balwadda Qaadku yihiin dhibaatooyinka ugu culus ee ragaadiyey Somaliland, waxaannu yidhi, “Dalkeena dhibaatooyinka yaalla markaynu soo koobnay saddex dhibaato ayaa xuddun u ah, ta koowaad waa saboolnimida, labada kalena iyada ayey ka tafiirmaan oo waa Qabyaaladda iyo Qaadka, haddii aynu saddexdaas maarayno oo aynu yarayno ama qaarkood tit-tirnoba.
Makarafoon walba iyo shir walba waxa laga yidhaa qabyaaladdu ha dhacdo, haddana way sii koraysaa, sannad walba waxaynu nidhaahnaa adduunkow nasoo caawiya dad fuqaro ah baanu nahaye, waxbarashadeena iyo caafimeedkanana waa la caawiyaa iyada oo aynu ku bixinno sannadkii ku bixinno $480,000,000 (afar boqol iyo siddeetan milyan oo dollar) qaadka cunistiisa, laba is qabanaya maaha, taasi ka ku caawinayaana ka siisanmaayo, caqli fayowna maaha, Somaliland-na ku soconmayso.”
Waxa kaloo uu xusay in musuqmaasuqa iyo cashuuraha oo aan si habsani ah loo wada bixin ay qayb ka yihiin mushkiladda iyo dhaqaale yaraanta ka jirta dalka, sidaasi darteedna waxa uu tilmaamay siyaabaha uu doonayo inuu wax uga qabto arrimahaasi, “Qodobka kale ee saboolnimada qaybta ka ah ee soo galaya qabyaaladda waa musuqa, waxa wax laga qaban karaa musuqa marka ciidan adag oo qaban kara la helo, ninka lacagta xaday iminka waaba lagu ammaanaa oo waxa la leeyahay xilkaas ayuu hayey oo laba gurina wuu dhistay, gaadhi Landcruser ahna wuu leeyahay, ka kalena shaqada wuxuu u soo doonayaa inuu intii in le’eg dhaco, haddaynaan taa ka hortagina xeedhadeennu weligeen way ingagnaanaysaa.
Dhaqaale waxaynu u abuuraynaa inta dalkeena cashuur ku waajibtay, innagoon cashuurta kordhin oo meelaha qaarkood oo ay iminka ku badantahay oo danyarta ah ka yarayna cashuurta ku waajibtay dadkeennu way ku filnaan kartaa dhaqaalaheenna iyo in aynu korinno adeegyada aynu u baahanahay ee caafimaadka iyo waxbarashadu ka mid yihiin. Waxaynu u baahannahay in aynu samayno hab dhiirran oo musuqa ka hufan oo karti leh oo dhaqaalaha ka soo ururiya ciddii uu ku waajibay,” ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Haddaynu KULMIYE nahay haddaynu qodoobadaa si dhab ah oo wadajir ah oo aan berri kani waa ina hebel lahayn uga hawlgalno waxaan qabaa dhaqaalaha dalkeenu inuu hufnaanayo, beryo badana aynu ka bixi lahayn.”
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay xisbiyada Qaranka iyo xisbinimada, waxaannu ku taliyey in laga wadashaqeeyo sidii dadku u aamin lahaayeen xisbinimada, waxaannu yidhi, “Waxa aynu u baahanahay inay xisbinimadu ka weynaato qolonimada, waayo haddii reerkiinu kula weyn yahay oo laandheere yahay oo aan la loodin jirin waxa ka xoog weyn xisbiga oo ka laandheeraysan, marka aad aaminiwaydo xisbi la isku aaminay min Saylac ilaa iyo Qaw ee aad reer ku soo noqoto horumar ma doonaysid, xisbiyadana waxaynu u samaysannay inaynu qabyaaladda kaga baxno, qurba-jooggana waxaan u soo jeedinayaa inay hormood ka noqdaan xisbinimada in lagu dhaato oo la aamino.”
“Waxaynu xisbiyada kale kaga duwanahay waa waayo-aragnimada, ta labaadna waxa aynu haysanaa waddo siyaasadeed oo horumarineed iyo xisbi gudo iyo dibadba ka dhisan oo uu inoo abuuray, inoona jeexay waddadaas hoggaamiyaheena ruuxiga ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),” ayuu hadalkiisa ku daray Md. Muuse Biixi Cabdi.