mbiixiiyomkaahinBurco(ANN)Guddoomiyaha Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI mid haya dariiqii uu ku burburay xisbigii talada ay ka dhaxleen ee UDUB oo ka baxay saaxadda siyaasadda dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu sidaa ka sheegay goob fagaare ah kula hadlayey taageerayaasha xisbigiisa ee magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, isagoo safar taageero loogu raadinayo xukuuumadda Madaxweyne Silaanyo ee waqtigeedii gabaabsiga yahay ku maraya gobolada dalka.
Muj. Muuse Biixi oo ay safarkaa ku weheliyaan saraakiil hoggaanka KULMIYE ah, waxa uu ka hadlay mucaaradadii Xisbigooda KULMIYE ee hor xukunka, isagoo sheegay inay soo mareen waqti dheer iyo xaalado siyaasadeed oo isugu jiray muddo-kordhinno baddan iyo doorasho ay kaga tageen 80 cod oo keliya, taas oo uu barbardhigay mucaaradada xisbiga WADDANI ee waqtigan oo uu xusay in iyagoo aan weli u bislaan saaxadda siyaasadda ee waddanka oo sannado yar oo keliya jira uu karayo.

“Maanta xisbiga WADDANI waa imisa jir, wuxuu marayaa saddex sanno hadday u badato, xisbiga WADDANI isagoo saddex sanno oo keliya maraya, isagoon doorasho dirqi uu ku helay lagaga eryin, isagoon maalin qudha la odhan fadhiiso ayuu karayaa oo KIR KIR lahaa, horta saaxiibaday waxaan leeyahay waar KIR KIR taa UDUB baa eeday oo la waayey ee maad iska daysaan oo wax dhaama miyaad waydeen?”
Waxa kaloo uu sheegay in aanay xukunka talada dalka iyo nabadgalyadiisa toona waxba iska beddeli doonin haddii doorashadu ku dhiciwaydo 26-ka June, isla markaana sifo sharci ah ay ku joogi doonaan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisuba, waxaannu yidhi, “Cid walba sida muuqata ee Komishanku soo sheegeen doorashadii dib bay u dhacaysaa, xisbiga KULMIYE wuxuu u xaqiijinayaa shacabka reer Somaliland oo uu u ballanqaadayaa 26-ka June in qaranku sidiisa ahaanayo oo aan wax khalkhal iyo dhibaato ahi ku dhacayn Ilaahay idinkii, annaga iyo xukuumaddana xil baa naga saaran oo waatii nalagu doortay ee dalka khalkhal la gelinmaayo, ninna nin cabudhinmaayo ee distoorka iyo sharciga ayaa sidaa dhigaya, haddii 26-ka June doorasho dhiciwaydo dawladdu way jiraysaa, Madaxweynuhuna wuu sii joogayaa, xoog iyo khalad ku fadhimaayo ee sharci iyo distoor buu ku joogayaa, sharciga cid ka waynina ma jirto, KULMIYE-na distoorka ayuun buu ilaalinayaa ee cidna ku xad-gudbimayno ee nin walba iyo mucaaradka xaqooda ayaanu siinaynaa, laakiin laga ogolaanmaayo sharciga ayaan duminayaa.”

“Somaliland waxay wada leedahay ee ay heshiiska ku tahay ayaa ka badan waxay isku khilaafsan tahay, mucaaradka waxa ka badan intaanu wadaano iyo intaanu heshiiska ku nahay ayaa ka badan intaanu isku khilaafsan tahay. Somaliland waa qoys keliya, qoysna wax la qaybiyo maaha, xisbiyada waxa laga rabaa dadka inay mideeyaan oo aanay qolo qolo u qaybsamin oo wiil iyo aabbihii laba xisbi kala galaan, in aynu fikrad, horumar iyo caqli ku tartanno ayaa loo baahan yahay, laakiin soconmayso hadday koox kasta oo isku reer ahiba tidhaahdo la i marimaayo oo meel baan is urursanayaa laga aqbalimaayo, hortaa jireba waa oo xisbiyadu hore ayey isku arkeen,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa shaaciyey in xisbigoodu arrimaha doorahsada si buuxda ugala shaqeeyey xisbiyada mucaaradka, iyagoo xataa meel kaga dhacay awoodda iy xuquuqda Madaxweyne Siilaanyo, “Doorashada xisbiga KULMIYE wuxuu ummadda u caddaynayaa inuu xisbiyada mucaaradka ah ugala shaqeeyey si aan weligood xisbal-xaakim dalka ahi ugala shaqayn, waxaannu caddayntoodii sidnaa oo xafiiska (xarunta KULMIYE ee Burco) heshiisyadii ama isfahamyadii xisbiyada qaranka oo aannu bilownay bishii July sannadkii 2013-kii oo aannu heshiiskaa (isagoo nuqul ka mid ah kor u taagaya) kala saxeexanay, bilihii August iyo September 2013-kiina heshiiskii labaad ayaanu kala saxeexanay. Madaxweyne Siilaanyo go’aankii laga doonayey ee doorashada waxaannu ka saxeexnay 13-kii bishii November 2013-kii, weliba awooddiisii iyo xuquuqdiisiina waanu ka qaadnay oo mucaaradka ayaanu raaligelinay oo warqadda uu saxeexay saddexdayada xisbi qaran ayaa wada qoray, markaasaanu ku nidhi taa noo saxeex, la is dafirimaayo oo Muuse Biixi saxeexiisa dafirimaayo, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro dafirimaayaan, Madaxweyne Axmed Siilaanyo-na dafirimaayo, iyadoo suulkeedii iyo saxeexeediiba leh baanu halkaa dhigaynaa ee sir maaha.”

“Somaliland nabadgalyadeeda ninkii ku ciyaaraya isagay u taal, ninkii leh bulshada caalamkay na soo dhexgala ee u tusaya in Somaliland qas ka jiro, annagu shalayna madaxweyne ayaanu ku helnay, berrina waxaannu doonaynaa in aannu tartanno oo madaxweyne labaad helno, laakiin ninka tartamaya ee doonaya inuu madaxweyne helo ee leh Somaliland waa la isku haystaa meel kale ayuu u socdaaye miyuu Madaxweyne u socdaa?” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin, wuxuu baaqyo u kala diray beesha caalamka iyo axsaabta mucaaradka, “Laba baaq baanu jeedinaynaa; bulsho waynta caalamka waxaannu leenahay Somaliland lama dhexgalin, AMISON iyo ciidammo looma soo dirin, iyadaa isku filnaan jirtay maantana way isku filan tahay, sidaad noola shaqayn jirteen noola shaqeeya.

Saaxiibadayada xisbiyadana ahna waxaannu leenahay walaalayaal iyo saaxiibayaal tartan baa innaga dhexeeya, carruurtu markay Cado-cadaysanayso waxay odhan jirtay ‘yaa dirrida dhici, yaa Dhigriga heli?’ Ma WADDANI baa heli, ma UCID baa heli ma KULMIYE ayaa leh qaddarka Allaa leh, markaa waxaannu leenahay saaxiibayaal dib ugu soo noqda xayndaabka Distoorka Qaranka ee aynu wax ku noqonay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews