MBiixi-300x229Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hambalyeeyey Madaxweynaha Jabuuti iyo mucaaradka dalkaasi heshiis ay ka gaadheen khilaaf ka dhextaagnaa oo ka dhashay doorashadii Baarlamanka ee la qabtay bishii February ee sannadkii 2013-kii.

 

 
Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isbahaysiga mucaaradka dalkaasi ee USN, ayaa kala saxeexday heshiis nuxurkiisu la xidhiidha wadaagga awoodda maamul ee waddanka iyo in la dejiyo xiisadda siyaasaddeed ee ka dhalatay doorashadii u dambaysay ee Baarlamanka.
Haddaba, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa war kooban oo uu soo saaray shalay, waxa uu ku tilmaamay heshiiskaasi mid faa’iido u leh dalka Jabuuti iyo mandaqada Geeska Afrikaba.
“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, Golaha Dhexe iyo dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, madaxda mucaaridka Jabuuti iyo dhammaan shacabka reer Jabuuti, isagoo ku hambalyeynaya heshiiska ay wada gaadheen maxawaynaha Jabuuti iyo mucaaradka waddankaasi.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu heshiiskaa u arkaa mid waxtar u leh midnimada iyo horumarka reer Jabuuti iyo guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.
Gebogabadii wuxuu salaan iyo hambalyo u dirayaa Madaxwaynaha Jabuuti iyo shacabkiisa curashada sannadka cusub ee miiladiga, isagoo u rajaynaya in sannadkan kiisa ku gaadhaan nabad iyo horumar,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xisbiga KULMIYE.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com