Muse Bixi iyo CiroHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qoraal marti-qaad ah u diray guddoomiyaha KULMIYE . Muuse Biixi Cabdi Isniintii toddobaadkan, taasoo xambaarnayd in hoggaanka KULMIYE ka qaybgalaan fadhigii wakiillada ee Komishanka Doorashooyinku ka jeediyeen warbixinta la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.
Hasayeeshee, Guddoomiyaha KULMIYE. Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaab diidmo ah ka bixiyey martiqaadka uu ka helay guddoomiye Cirro, isagoo qoraalkiisa ku sheegay in aanu caddayn ajandaha kulanka lagu martiqaaday oo uu ku sifeeyey gef maamuus.
Qoraallada labada guddoomiye iswaydaarsadeen oo aan si rasmi ah dadweynaha loogu baahin, balse wargeyska Jamhuuriya ay u suurtogashay inuu helo nuqullo ka mid ah, waxa ka muuqata in Guddoomiye Cirro iyo Muuse Biixi ay ku kala aragti duwanaayeen ujeeddada martiqaadka fadhiga Golaha Wakiillada, sidaasi darteedna KULMIYE u go’aansadeen inay ka maqnaadaan madashii Komishanka Doorashooyinku kaga dhawaaqeen cayimaadda waqtiga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada oo ay u muddeeyeen 1-da bisha June 2016.
Ugu horreyn, Warqadda Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu ku kala socodsiiyey saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, waxay u qornayd sidan;
“Ku: Xisbiga KULMIYE
Ku: Xisbiga WADDANI
Ku: Xisbiga UCID
Ujeeddo: Martiqaad
Mudanayaal,
Waxa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si sharaf leh idiinku martiqaadayaa Fadhiga berrito (Salaasaddii) ee Golaha Wakiillada, 21/04/2015, saacadda fadhigu bilaabmayo waa 9:00 Subaxnimo in aad ka soo qaybgashaan oo ay imanayaan Guddida Doorashooyinka Qaranku.
Waxaad ku iman kartaan min shan (5) xubnood oo ka tirsan hoggaanka xisbiga,” ayuu guddoomiye Cirro ku yidhi qoraalkiisa martiqaadka ah.
Dhinaca kale, qoraal Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi kaga jawaabay martiqaadka loo fidiyey oo uu ku socodsiiyey Guddoomiye Cirro, isla markaana ogaysiin siiyey labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Wakiillada iyo Guddiga Doorashooyinka, waxay iyaduna u dhignayd sidan;
Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Og: Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada
Og: Guddoomiye-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada
Og: Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL
UJ: Jawaab-celin
Mudane Guddoomiye;
Warqada tixraaceedu yahay GW/G/34/68/2015, oo noo timid maanta (maalintii Isniinta) oo bishu tahay 20/04/2015 ujeedadeeduna tahay martiqaad, waxaannu u aragnaa inuu ku jiro gef hab maamuus.
Fadhiga Golaha Wakiillada ee aad ugu yeedhay Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo axsaabta siyaasadda ajandihiisa ma ogin. Mudane Guddoomiye, laba xil ayaad qaranka u haysaa; Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, haddaba, guddoomiyaha xisbiga WADDANI haddii uu na martiqaadayo waa in aannu ogaanaa ajandaha fadhiga iyo waxa laga wadahadlayo, sidoo kale marka uu na marti qaadayo Guddoomiyaha Wakiilladu waa inay isla og yihiin labada guddoomiye-ku-xigeen ee Golaha Wakiillada iyo xildhibaannada xisbiga KULMIYE.
Sidaa arted, fadhi aanaan ogayn ajandihiisa iyo waxa lagaga wadahadlayo toona xisbi ahaan kama soo qaybgali karno,” ayuu Muuse Biixi Cabdi ku yidhi qoraalkiisa diidmada ah.
Fadhigga Golaha Wakiillada ee qabsoomay Salaasadii toddobaadkan oo taariikhdu ahayd 21 April 2015, waxa horyimi Komishanka Doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo golaha ka hor sheegay inay diyaar u yihiin in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu qabsoomaan 1 June 2016, taasoo ah muddo-kordhin sannad ah oo xilka loogu cusboonaysiiyey madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo sida qorshuhu ahaa doorashooyinkoodu dhici lahaayeen 26 June 2015, iyadoo labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID goob-joog ka ahaayeen fadhigaas, balse waxa kulankaas diiday xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Sida ku cad qoddobada 83aad iyo 42aad ee dastuurka Somaliland, Golaha Guurtida, ayaa awood dastuuri ah u leh inay muddo-kordhin sameeyaan haddii doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu ku qabsoomi wayaan waqtigooda, sidaas darteed, waxa la sugayaa in madaxweyne Siilaanyo u gudbiyo guurtida qoraal la xidhiidha in doorashooyinku dib uga dhaceen muddadoodii sharciga ahayd, kana gutaan awooda dastuuriga ah oo caddeeyaan xilliga doorashooyinku qabsoomi karaan, iyadoo aan la ogayn in guurtidu sharciyeyn doonto muddada Komishanku sheegeen inay doorashooyinka qaban karaan oo ah 1 June 2016 iyo inay wax-ka-beddel ku samayn doonaan, sameeyaana muddo-kordhin aan ku fadhijin jadwalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.