Araweelo News Network

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi

Hargeysa ( ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada reer Somaliland ku boorriyay in ay ka xoroobaan qabyaalada, isla markaana ay ka shaqaysiiyaan caqliga iyo garashada, maadaama oo qaranku isla qaatay in lagu dhaqmo nidaamka dimuquraadiyada iyo hannaanka xisbiyada badan.

Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xaflad ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ku soo dhawaynayey waxgaradka iyo hormood kusoo biiray oo cududooda ku taageeray xisbiga, waxa uu tilmaamay in aanay dawladnimo jiraynin hadddii qabyaaladu ka xoog badato qarannimada.

Guddoomiye Muuse waxa uu bulshada reer Somaliland ku booriyay in ay ilaaliyaan dimuquraadiyadda oo ay ka xoroobaan qabyaalada, waxaannu yidhi “Waxaynu dhisanay xisbiyo, dimuquraadiyad iyo caqli ha la isku raaco ayeynu go’aansanay, haddana waxaad moodaa inay qabyaaladii ina jiidanaayso, dadkeena soddan sanno ka yari may arag qabyaalad xumaanteeda, manay arag qaran Soomaaliyeed oo sharaf leh, manay arag dad Soomaaliyeed oo horumar samaynaya, Somaliland oo girif girif leh uun baad aragteen, waxa halkaa ina geeyayna waa qabyaalad, maanta ololaha aynu ku jirnaa sumad qabyaaladeed ayuu badankeeda u eegyahay, haddii la dayn kariwaayo oo ay dadka jiidanayso dhammaanteen aynu isugu tagno oo qabyaaladda u jiidno dhinaca dawladda ee aanay qabyaaladu qaranka liqin, hawsha ugu weyn ee aannu KULMIYE ahaan wadnaana waa taas.”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu xusay in dastuurka qaranku u damaanad qaadayo muwaadinnimada qof kasta oo labadiisa waalid ku noolaayeen Somaliland 26-kii June ee 1960, “Dastuurkeena waxa ku jira laba qodob oo muhiim ah oo aanay cidina dhaadin, marka hore wuxuu odhanayaa yaa reer Somaliland ah, muwaadin waxa ah baa la yidhi qofkii labadiisa waalid ku noolaayeen Somaliland 26-kii June sannadkii 1960, wixii ka horreeyay, tafiirtiisu waxay noqonaysaa reer Somaliland,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
“Waxaan doonayaa in aynu isla fahano oo ay noo caddaato waxa aynu isku taageerayno maadaama oo aad KULMIYE taageerteen, walaalayaal waxa dhagaheena barjeeyay qabyaalad oo maqaaxi kasta waxa lagaga sheekaynayaa annaga ayaa laandheere ah iyo annagaa badan, xilligii Nabi Muxamedna (NNKH) waxa ugu laandheeraysnaa Bilaal oo eedaankii salaadda loo dhiibay,” ayuu intaa raaciyey.
Waxa kaloo uu ka digay saamaynta ay qabyaaladdu ku yeelan karto qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Qaran ku noqonmayno oo barri dawlad lagu hoggaamin kari maayo, qaran qabiilku ka adag yahay qaran noqon maayo. Maalin kasta waxaynu aragnaa ciidamada dalka jooga haddii askari is yidhaahdo soo qabo nin dambiile ah oo wax dilay waxaaba dhacda mararka qaarkood in reerka meeshaa jooga xataa sheekhoodu ay qori soo qaataan oo yidhaahdaan ma anaga oo reer hebel ah ayaa wiilkayaga la soo qabanayaa.”

Waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxaan qabyaaladda ugu dheeraanayaa taageeradiina ayaa ka duwan kuwa kale, dareenka qarannimo ee aad muujiseen ayaan maanta ugu dheeraaday, xisbiga KULMIYE waxa lagu asaasay midnimo iyo qarannimo oo naga niyo ah oo aannu ugu soo halganay in dadku walaaloobo oo qaran noqdo oo qabyaaladda laga baxo, laakiin nasiib-darro wali qabyaaladdii waa xoog oo dadka way jiidanaysaa,” ayuu yidhi.