Araweelo News Network

Muuse Biixi iyo Xirsi Cali

Boorama(ANN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si hufan u sharraxay arrimo door ah oo ku saabsan xaaladaha dalka oo ay ka mid yihiin xafiilka iyo dhaliilaha ay isku jeediyaan siyaasiyiintu, caqabadaha iyo faa’iidooyinka ku jira doorashooyinka Somaliland, mus-dambeedka lagu muransanyahay ee la doonayo in loo sameeyo Komishanka Doorashooyinka.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer ka jeediyey xaflad Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku daah-farayeen bilowga qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka ee Gobolka Awdal oo lagu qabtay magaalada Boorama maanta, waxa uu sheegay in loo baahan yahay xal loo helo doorashooyinka tirada badan ee sanka isku haya ee dalka oo ay culays dhaqaale iyo mid siyaasadeedba leh, isaga oo sidoo kale hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay codbixinta shacabku ku dooranayaan madaxdooda oo ah dariiqa ay kula xisaabtamayaan dadka xilalka loo dhiibo.

Ugu horrayn waxa uu xusay in marka la eego kharashka iyo tamarta ku baxay diiwaangelintii laga sameeyey dalka, qaybinta kaadhadhka codbixinta iyo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan bisha November 2017 ay ka dhiganyihiin in saddex doorasho dalku galay, iyadoo weliba ay hadhsan yihiin doorashooyinka golayaasha kale ee qaranka oo muddo-dhaafay, sidaasi darteedna loo baahan yahay inuu xal waara oo talo qaran ku yimaada loo helo doorashooyinka badan, “Waxa inoo hadhay doorashadii Baarlamaanka oo muddo-dhaaf ah, Guuritidii iyo dawladihii Hoose oo iyaguna muddo-dhaaf galaya, qaran ahaanna waa inaynu wax iska weydiinaa in doorashooyinka aynu soo koobno oo kharashka doorashooyinka aynu yarayno, doorashadana in aynu sidan si ka dhib yar u qabsano, ileyn caalamka waxan ina haystaa cidna ma ay haystaane, dal shantii sanno ninkii madaxda ahaa ee loo doortay iyo xisbigiiba ay doorasho uun ku jiraan oo dadkiiba uu saldhigi la’yahay waa dhibaato, waxaanan ku talinayaa inaynu qaran ahaan ka fiirsanno doorashooyinkeena sidaynu u fududayn lahayn,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in doorashada dalka kusoo socotaa tahay mid go’aaminaysa sida uu qarankani u ekaan doono, isla markaana loo baahan yahay cidda kusoo baxdaa inay noqoto cid qaranku halka uu maanta joogo kor uga sii wadda, waxaannu yidhi, “Doorashadaa maanta codka aynu ku ridaynaa waxay kamid tahay waxyaabaha qeexaya qarannimada aynu doonaynaa caynka ay u ekaan doonto, codkaasina waxa uu sidaa inay dawladnimadeenu noqoto mid ka wanaagsan kuwii aynu kasoo go’nay, mid ka wanaagsan oo ka horumarsan midda aynu maanta haysanno, waayo ilmuhu wuu koraa, geedkuna wuu koraa oo wax waliba way koraan, codka uu muwaadinku bixinayaana waa inuu koriyaa qaranimada oo uu kor u qaadaa tiirarka qaranimada ee halbawlaha ah, waana inuu codkaagu gooyaa yaa ina horumarinaya.”

Waxa kaloo uu ka hadlay mus-dambeedka lagu muransan yahay ee la sheegay in loo samaynayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, taas oo xisbiyada mucaaradku shaki iyo walaac wayn ka muujiyeen, waxaannu caddeeyey in aanay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu toona ogolayn wax ka horimanaya awoodda sharci ee Komishanka doorashooyinka, “Erayga mus-dambeed marba waa sidii loo rogo, Madaxweynahaana khudbad uu akhriyey ku daray, fikirkaasi waxa uu yahayna xog-ogaal baan u ahaa, haddii uu yahay in Komishanka laga qaado awoodaha uu sharcigu siiyey iyo hawshooda ama lagu farogelinayo, haddii uu yahay mid lagu durayo waxqabadka Komishanka ma ogolin mus-dambeedkaas xukuumad iyo xisbi toonna umana jeednee ka bogsada. Komishanka Qarankana kalsooni buuxda ayaanu siinaynaa xukuumad iyo xisbiba, xamxam yar baa jirta oo ay qolada mucaaradku wadaan ee waad ka bogsanaysaan, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha iyo dawladdaba si buuxda ayaanu idiinla shaqaynaynaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, waxa isagoo daba socda dhaliilo siyaasadeed oo uu u jeediyey madaxda xisbiga WADDANI uu iftiimiyey muhiimada ay leedahay inay siyaasiyiinta dalku ku cartamaan doodo bisil oo aan turxaan lahayn, taas oo uu sheegay in aanay dadku u qaadan colaad ee ay tahay dabciga dimuqraadiyadda.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Shalay (Arbacadii) waxaan halkan dhaliilo siyaasi ah oo aan u arkayey inay ku khaldan yihiin xisbiga WADDANI baan si aan gabbasho lahayn uga sheegay, berrina ka hadhimaayo wixii ay khaldaan, wixii wanaagsan ee ay sameeyaana waan ku soo dhawaynayaa, markaa inay dooddaasi mid sax oo xalaal ah ahayd waxaan ku garanayaan Ilaahay waaka halkan maanta (Khamiis) Xirsi iskugu kaayo keenay ee uu isaguna dooddiisii ka dhiibtay, waanan uga mahadnaqayaa inuu fikirkiisii dhiibtay, labadaa doodood way furan yihiin oo in badan waanu doodaynaa oo waad arkaysaan, sidaas ayaanay ku jirtaa xisbinimada iyo sida talada lagu helayaa, ha u qaadanina in la kala cadhoonayo oo la kala hoyanayo, waanu doodaynaa ee isma xamanayno, waana aragti iyo dood caafimaad qabta, dhaliilahana farta la isku saarayaa, si aanu u wada qaadano go’aan qaran oo aanu ku heshiis nahay, haddii uu qofku doodda iyo waxa hortiisa laga yidhaahdo ka xanaaqo, sidee baynu qaran u noqonaynaa? Dantuna waxa weeye wixii la isku yahay iyo wuxuu dadku lahaa waa meel, ra’yiga iyo talada fiicanina waa meel, weligeedna geedka hoostiisa waa lagu doodi jiray, garanmaayo waxa geedka iyo xisbiyada siyaasadda looga dhigayo colaad, waase wixii xisbiyada loo samaystay oo fikradahaa la isku gaynayaa oo la shiilayaa, dabadeedna waxa soo baxaya dantii qaranka.”

Ugu dambayntii, Murrashax KULMIYE waxa uu jawaab ka bixiyey hadallo mucaaridku ku sheegay in xukuumaddu ku hawllan tahay dhismaha Guddoomiye Muuse Biixi, waxaannu sheegay inay tiirarka dimuqraaddiyadda ka mid tahay masuuliyiinta xukuumad kastaa dhisto xisbigeeda, “Dawladdu ma dhisayso Muuse ee xisbiga KULMIYE iyo barnaamijkiisa ayey dhisaysaa, sharciga dimuqraaddiyada iyo siyaasadduna waxa uu sheegayaa siyaasiga laga soo doortay xisbi ee xilalka hayaa shaqada qarankana way qabanayaan, waanay ku khasban yihiin xisbigooda inay soo saaraan oo siyaasaddiisa hirgeliyaan, shakhsina ma dooranayaan, waa wax caadi ah oo adduunka ka jira, laakiin wixii shaqaale dawladeed ah iyagu maya xeerkeena ayaa ka reebaya oo waxay ku eekaanayaan shaqadooda,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.