kulmiyeberbera1Warbixin By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Berbera(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenada koowaad Maxamed Kaahin iyo saraakiil kale oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye, ayaa gaadhay maanta magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Guddoomiye Muuse Biixi iyo wefdigiisa, ayaa si weyn loogu dhoweeyay halkaa, waxayna hadalo kooban oo xanbaarsan ujeedada safarkooda u jeediyeen boqolaal qof oo ruxayay calanka sadexda midab leh ee Kulmiye oo muuqaalkiisa aan muddooyinkaa lagu arag fagaarayaasha siyaasada iyo shaashadaha, isla markaana dareenka iyo shucuurta xamaasada, ayaa u muujiyay jawiga mid dadka xusuusiyay maalmo uu Kulmiye u haliilayay inuu xukunka gacanta ku dhiggo oo taageerayaashiisu caadifada iyo jibada isbedel doonku sida saarka u haysay.

mbiixiiyomkaahin
“waxaan maanta u socnaa, waxaynu ognahay in 26 Jun 2015, ay dhamaanay mudadii shanta sanadood ahayd ee doorashada dalka oo maanta lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka qaranka, waxaynu ognahay koshinka doorashooyinka qaranku inuu yidhi, “Doorashadu xiligeedii qabsoomi mayso,” xisbiyada Mucaaradku waxay sheegeen in 26 Jun, dalka uu ka dhacayo dagaal ehli ah oo aan waxba isakaga keen hadhayn. Waxaan idiin sheegaynaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo intii ka horaysay sadex jeer ayaa la kordhiyay markii dawladii doorashada xiligeedii qabanweyday, waxaan idiin sheegayaa doorashadu mar waxay ku qabsoomi weydaa Madaxweynaha iyo xisbigiisa oo sagsaaga, marna duruufo dabiici ah oo dhaca oo aynaan inagu masuul ka ahayn.kulmiyeberbera3
Waxan halkan idiinka cadaynayaa qoraalada waan idiinka tegeynaa xafiiska gobolka ee Xisbiga, ayaan u dhiibayna, mana aha sir oo waa laydin siinayaa, Doorashada waxa dib u riday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, sharcigii doorashada lagu geli lahaa Madaxweynuhu August 20014, ayuu gudbiyay, isaguna Madaxweynaha Desember 2014, ayuu kusoo celiyay.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin oo la hadlayay taageerayaal si weyn loo soo abaabulay oo kusoo dhoweeyay wefdigooda Berbera.
Xildhibaan Waabeeyo oo ah guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Kulmiye oo weedho kooban ka jeediyay halkaa, ayaa sheegay inay xisbiyada Mucaardka kasoo yeedhayaan dhawaaqyo ay ku sheegayaan in 26 Jun wax dhacayaan, balse waxa uu sheegay in ay tahay maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay mustacmaradii Boqortooyadii Britain. Sidaa awgeed aanay waxba dhacayn ee roob uu di’I doono.kulmiyeberbera2
“26 Jun, waxaynu gaadhi doonaa insha allah inagoo nabad ah oo barwaaqo ku ciidna, xisbiyada waxaynu u samaysanay inay dalka horumar iyo fikrad u keenaan oo ay dadka mideeyaan oo ay qabyaalada ka baxaan, laakiin umaynu samaysan inaynu isku cayno, Kulmiye ahaana annaga taas waamid naga reeban.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi oo weedhahaa kooban u jeediyay dadka soo dhoweeyay ee magaalada Berbera.
Guddoomiye Muuse iyo wefdigiisa, waxay weedhaha ay ka jeediyeen magaalada Berbera si cad u muujiyeen nuxurka ujeedada safarkooda, kaas isugu biyo shubtay inay taageero u raadinayaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda xiligeedii sharciga ahaa dhamaanayo marka la gaadho 26 Jun 2015, iyadoo axsaabta mucaaradku ku hanjabeen in aanay aqbalayn in muddo kordhin loo sameeyo.
Dhowaan waxa magaalada Hargeysa Guddoomiye Muuse Biixi iyo saaxibadii ku qabteen kulan balaadhan oo xukuumadda loogu muujinayo taageero. Kadib markii Komishanka doorashooyinku sheegeen in aanay suurta gal ahayn in doorashooyinku ku dhacaan mudadii la filayay, balse kulankaa, ayaa laga arkay inuu loolankii xisbiga Kulmiye u qaybiyay garabyada weli jiro, kaas oo ay ka maqnaadeen baaqiga xukuumadda kaga hadhsan kooxdii inqilaabka ku haysatay ee sababta u ahaa kala qaybsanaanta xisbiga, kuwaas oo aan kasoo xaadirin kulankaa, iyagoo weli gacanta ku haya xilalka xukuumadda, marka laga reebo horjoogihii kooxdaa wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu ka xidhiidh furtay, kadib markii uu ku gacansaydhay xilka wasiirka waxbarashadda oo loo bedelay.
Sidaa awgeed safarka xiligan ee Guddoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, waxa lagu sheegay inay gobolada dalka oo dhan marayaan, iyadoo taageero loogu raadinayo xukuumadda, balse waxa muuqaalka sawirka kasoo baxay inay weli jirto kala qaybsanaantii xisbiga dhexdiisa, isla markaana kooxdii kooxdii dhexda ku martay guushii xisbiga ee hantiyay awooda iyo xilalka xukuumadda aanay waqtigan ku mashquulin inay taageero u raadiyaan xukuumadda, balse kornayladii dabarka lagaga xidhay midhihii halganka, isla markaana loo raaciyay haragdaamooyinka ay weliba raali ku yihiin inay bulshada taageero uga raadiyaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee mudadii dastuuriga ahayd ee la doortay gabaabsiga tahay, iyagoo doonaya inay shafka u dhigtaan dhawaaqyada kasoo baxaya mucaaradka iyo kooxaha kale ee weedhaha hanjabaadaha iyo dhaliisha xanbaarsan kusoo afuufaya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews