Hegue (ANN)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shirara kala duwan oo caalami ah kaga qaybgalay magaalada Hegue ee dalka Holland (Netherlands) oo ku yaal Woqooyi-galbeed ee qaaradda Yurub.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladda ee Argentina.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladda ee Argentina.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo qoraal kooban kasoo saaray caawa shirkaa iyo waxyaabaha lagaga hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey, isla markaana ka xog-waramay laba shir oo ay kaga qaybgaleen dalka Holland maalmihii Khamiista iyo Jimcaha, halka sidoo kale uu tilmaamay inuu shirar gaar-gaar ah la qaatay wufuud kala duwan ee ka qaybgalay shirarkaa, kuwaas oo sida uu sheegay uu u bandhigay guulaha uu dalka Somaliland gaadhay.

Qoraalka, ayaa u qornaa sidan;- “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shirar caalami ah oo lagaga hadlay arrimaha garsoorka iyo helidda caddaaladda kaga qaybgalay magaalada The Hague ee dalka Holland ee qaaradda Yurub. Guddoomiyaha oo hoggaaminayay wefdi reer Somaliland ah oo ay qaarkood ka socdeen bulshada rayidka ah, wuxuu 7-da February 2019, kuna beegan maalintii Khamiista uu ka qaybgalay shir ay iskugu yimaadeen ku dhowaad 200 qof oo ka kala yimi Adduunka oo dhan. Dadka ka qaybgalay waxay ka kala yimaadeen dalal ay ka mid yihin; Holland, Norway, Ingiriiska, Kuuriya, Maraykanka, Argantiin, Baraasiil, Kiiniya, Gaana iyo dalal badan oo kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladda ee Gambia

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladda ee Gambia

Shirka waxa furtay Sigrid Kaag oo ah Wasiirka Ganacsiga Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Holland. sidoo kale waxa kasoo qaybgalay Wasiirrada Caddalaadda ee dalal ay ka mid yihiin; Argentina, Serie Leone, Holland, Gambiya iyo dalal kale. Waxa kaloo shirka ka soo qaybgalay garsoorayaal, Ururro Caalami ah iyo Qarammada Midoobay iyo Madaxwaynayaal hore. Waxa shirka marti-gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Holland.

hoto: Sigrid Kaag oo ah Wasiirka Ganacsiga Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Holland
Photo: Sigrid Kaag oo ah Wasiirka Ganacsiga Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Holland

PTaariikhdu markii ay ahayd 8 February 2019, kuna beegan maalintii Jimcaha, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka qaybgalay shir kale oo u gaar ah Somaliland. Shirkan oo lagu faaqiday arrimaha garsoorka iyo helidda caddaaladda Somaliland, qorshaha dib-u-habaynta garsoorka iyo hawlaha ay ku foogan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka, iyadoo ay shirkan si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen xarumaha iyo Hay’adaha kala ah; Knowledge Platform Security and Rule of Law oo ah xarun isku-xidh ah oo ay ku bahoobeen khubaro iyo aqoonyahanno ka shaqeeya arrimaha amniga iyo ku-dhaqanka sharciga, Hay’adda Safer World iyo Xarunta Xuquuqal-insaanka ee Somaliland.

Muuqaalka Shirka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ka qaybgalay ee ka dhacay Holland.
Muuqaalka Shirka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ka qaybgalay ee ka dhacay Holland.

Guddoomiyuhu wuxuu la kulmay wufuuddii kala duwanayd ee shirarka ka qaybgalay, isaga oo la wadaagay guulaha  uu gaadhay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qorshayaasha u yaal, si loo rumayn lahaa guulo dheeraad ah.

Dadka kala duwan ee uu Guddoomiyuhu la kulmay, waxa ay aad ugu riyaaqeen arrimaha horumarinta garsoorka ee ka socda Somaliland, iyadoo ay weftigu shirkan kaga qaybgaleen magaca dalka Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo weftigu waxay boqdeen Maxkamadda Caalamiga ah ee u qaabilsan qaadista dacwadaha dambiyada dagaal ee dalalka Rwanda iyo Yuguslaafiya, waxayna halkaas kula kulmeen madaxda Maxkamaddan oo uu ka mid yahay dacwad oogaha guud iyo saraakiisha sharci ee ka hawlgala.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Xaaji Cali iyo xubno kale oo ka qaybgalay shirka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadan Xaaji Cali iyo xubno kale oo ka qaybgalay shirka.

Weftiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka mid ahaa Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyihii hore ee Xarunta Xuquuqal-insaanka iyo Mr. Cabdijaliil Daahir Af-qarshe oo ka tirsan Hay’adda Safer World,” ayaa lagu yidhi qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed ee soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network.