Araweelo News Network

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji CaliHargeysa (ANN) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ku hanjabay in sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo aflagaadaysa hay’adaha garsoorka ee dalka.
Garyaqaan Aadan, ayaa qoraal uu soo saaray Axaddii toddobaadkan ku caddeeyey inay dagaal kula jiraan sidii caadooyinka xunxun ee musuqmaasuqa, laaluushka, eexda iyo qabyaaladda looga sifayn lahaa hay’adaha garsoorka Somaliland.
“Guddida Caddaaladda iyo Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay xusuusinayaan bulsho-weynta Jamhuuriyadda Somaliland in shaqada hay’adda garsoorku ay tahay garnaq, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa; “Gari laba nin kama wada qosliso!”
Sidaa awgeed, dadweynaha aannu adeegga u hayno waxaannu u soo jeedinaynaa inay ku
qancaan go’aanada ka soo baxa garsoorka, xaqoodana ku raadsadaan dariiq sharci ah.
Waxa kaloo aannu uga digaynaa dadweynaha in hay’adaha garsoorka laga aflagaadeeyo warbaahinta kala duwan, ciddii ku kacdana lala tiigsan doono sharciga, gaar ahaan dadka u shaqeeya hay’adaha qaranka iyaga oo isticmaalaya masuuliyaddii ay u hayeen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo aannu uga digaynaa dadweynaha iyo warbaahinta kala duwanba in la faragaliyo dacwadaha socda ee aan weli gar-naqoodu dhammaan.
Dib-u-habaynta garsoorka iyo guud ahaan caddaaladdu way soconaysaa, waana qorshe dhaqan galay oo laga soo dhoweeyey dhammaan daafaha dalka oo dhan, hoggaanka garsoorkuna waxa uu dagaal kula jiraa dhammaan caadooyinka xun-xun inay ka dhex shaqeeyaan garsoorka dhexdiisa, sida musuqmaasuqa, laaluushka, eexda, qabyaaladda iyo dhammaan shaqo xumida.
Ugu dambayn, garsoor caddaalad ku dhisan waa lafdhabarta ummad kasta oo doonaysa inay ku noolaato nabad, barwaaqo iyo horumar waara,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.